Damaca Raga iyo Go'aanada ay gaaraan. NASASHADA JIMCAHA –Q. 45aad

0
Saturday May 27, 2017 - 00:31:16 in Maqaallo by
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damaca Raga iyo Go'aanada ay gaaraan. NASASHADA JIMCAHA –Q. 45aad

    1-Nin iyo xaaskiisa ayaa is dagaalay, waxaa uu ku yiri: iga bax, dharkaaga soo ururso oo boorsadaada ku soo wada rido, deg deg. Intii ay dharka urursaneysay ayaa Aabaheed taleefoon ka soo wacay, codkana weey u furtay, Aabaheed ayaa ku yiri: Gabadheyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin iyo xaaskiisa ayaa is dagaalay, waxaa uu ku yiri: iga bax, dharkaaga soo ururso oo boorsadaada ku soo wada rido, deg deg. Intii ay dharka urursaneysay ayaa Aabaheed taleefoon ka soo wacay, codkana weey u furtay, Aabaheed ayaa ku yiri: Gabadheydiyey waxaan kuu soo diray 20,000 USD, si aad ugu xalisato baahidaada yar yar, Waxa ay ku tiri: Aabe waad ku mahadsan tahay, Seeygeeygana waxaan ka siinayaa 10,000 USD.

Ninkii ayaa ku yiri: war aaway dharkii dhaqsi usoo uruuri, macaanteey, waxaan kuu dedejinaayo waxaan rabaa in aan kuu dhaqo dharka , dhaqsina uu kuugu qalalo, kan aakhirka lacag jaceeyl ayuu xabsi u gala. Fiiri: Sawirka 1aad.

2- Nin ayaa furay xaaskiisii, 7 cisho kadib waxaa dhintay Aabaheed, waxa uuna uga tagay dhaxal dhan $ 15 million. ninkii furay ayaa markii uu khabarkaa maqlay wuxuu wacay xaaskii ay kala tageen wuxuuna ku yiri: Ma ogtahay in aan uur kuu leeyahay. fiiri sawirka 2aad.

( Libaan Abdikarinoow: kan Hunguri saas u raadinayo, diaspora waaba ahaaye dalkuu ka yimid, mise waa siyaasi somaliyeed ?)

3- Hooyo ayaa tagtay shaybaar, waxaana laga helay xanuun yar oo kilyaha ah, Markii ay gurigeed ku soo noqotay ayey haweenkii xaafada ugu sheekeeysay in HIV –AIDS –oo loo yaqaan " yacuud ama kojiye” – laga helay. islaamihii xaafadda ayaa ka kala cararay, caruurteedii ayaa dib u baaray hooyadii, waxa ayna ogaadeen in xanuunka ay sheegtay ayna qabin. Waxa ayna ku yiraahdeen: Hooyo maxaa saas u yeeshay maba qabtid cudurkaase, Waxa ay ku tiri: Haweenkan xaafadu, Waxaan doonayay in geerideeyda ka dib ayan aabahiin guursan ana taa ayaan diidanahay.



( Somaliya dowladba tan ka dambeeysa ayeey qob moos u dhigee, haddiiba gadaasheeda shacabku heli lahaay mid dhaanta, xaasidnimo waxaa ugu xun tii xilaha iyo xukoomada kaa gasho ).

4- Ramadaan kariim……. Jimcaha dambe Nasashadu waxa ay ku soo beegantahay Ramadaan. Sidii badana dhici jirtay waxaa laga yaabaa in la isku khilaafo dhalashada bisha, in la is weeydiiyo : Intee laga soo sheegay? mowlaca sheikha Malaga sooman yahay? Sucuudi aa laga soo sheegay aa! Kuwaase horeey u sii sheegeen intaan shacbaan dhamaan, Fiiri sawirka 3 & 4aad.

Annaga arag ku sooma aragna ku afura ayaan culamadeena ka maqli jiray, Sucuudi iyo carab bishooda iga dhaaf ee amaa Marka Cadeey, Warshiikh, iyo….. laga soo sheegay, Dowlada aa laba ruux dhaarisay aa!!. Kuli waa ma sooma yaal! . deegaanka maamulkeenu ka taliyo lagama soomi karo bacdamaa qoladaa kale ay soomeen, madaxweeynaha maamul gobaldkeeno ma shaaciyay, asagu maba soomayee, bil khasab lagu keenay aa!!! , ceesaantii AbaayYusra Yuusuf Sheikhayaa bishii baadi goob ugu jirto. fiiri sawirka 5aad. yaan loo dhuuman Biya cabida maalin soon!!! Fiiri sawirka 6aad,

Qaar ayaa ku leh: waan xanuunsanahay oo Gaas ayaa i hayo, dhaqtar aa ii diiday, kaniini ayaa ii socdo, Ameeba iyo jaardiyo ayaa igu jiro, haddana jaadka noo gogola iyo shiishad ii diyaari ayaad ka maqlee fiiri sawirka 7aad. Afurku yuuna naga noqon kii carbeed fiiri sawirka 8aad. Faaduma soonqaad ama Faay Ramadaan iska jir.

Babul KHA’—- babul khilaaf aakhiru samaan ahaa.

5- Dadkii magaalada ayaa ku tashaday in Juxa iyo Boqorka la isku diro, Waxa ay ku yiraahdeen boqoroow ninka juxa la yiraa waxa uu ku dhaartay in uuna amarkaaga qaadan, Boqorkii oo careeysan ayaa ku yiri: sideen ku ogaanayaa? waxa ay ku yiraahdeen berri u yeer akhyaarta magaalada oo dhan, kuna amar in mid kasta uu soo qaato Hal Ukun, Sidaa ayuu amray boqorkii, laakin fariinta lama gaarsiin juxa,

Maalintii dambe markii la isku yimid ayaa la yiri: qof waliba wixii lagu balamay ha soo bixiyo. Akhyaartii magaalada mid kasta waxa uu soo bixiyay hal Ukun, laakiin juxa ma heeysan ukun. Boqorkii oo careeysan ayaa ku yiri: Dadkii oo dhan waxa ay la soo baxeen min hal ukun, adiga maxaa kugu dhacay.

Juxa ayaa ku jawaabay: Boqorkeeyga qaaliga ahoow, anigu waxaan ahay Diiqii… Boqorkii oo markii horeba dareensanaa shirqoolka juxa lala maagana ayaa yiri: iga baxa Doorooyinkoow, diiqo ha ii haro.

Qore:Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip