1- Nooc adduunka ayuu ku nool yahay͵ mana garanayo waxa uu doonay iyo hadaf uu tiigsanayo. kaliya in uu wax cuno waxna cabbo in ku filan markastana uu nolosha ka dayriyo.
2- Nooca labaad waa qof yaqaan waxa uu raadinayo balse ma yaqaan siduu u gaari lahaa, wuxuuna sugayaa qof gacanta qabta oo jiheeya una tilmaama meeshuu wax ka bilaabi lahaa.
3- Nooca saddexaad waa qof yaqaan meesha uu tiigsanayo, sidoo kale; wixii gaarsiin lahaa ama u fududayn lahaana wuu haystaa balse iskuma kalsoona waxbuu bilaabayaa ma dhamaystirayo. Book ayuu soo iibsanayaa mana akhrinayo mar kasta oo uu wax bilaabo isagoon horumar ama guul ka gaarin ayuu ka harayaa sidaas ayuuna cimrigiisa ku dhamaysan.
4- Nooc Afraad’ waxa uu doonayo waa yaqaan͵ sida uu u gaari lahaa waa yaqaan͵ Naftiisa waa ku kalsoon yahay, balse maskaxdaa laga haystaa jidkaa loo fadhiyaa markasta oo uu wax xaqiijiyana qolaa ka kala tuurta, iyagoo dhahaya waxaas waxba maahan, anagaa ku daalnay͵ faa’iido malahan isaguna ma madax bannaana go’aanku kaligii malaha.
5- Nooca shanaad͵ waa qof yaqaan waxa uu raadinayo͵ waa yaaqaan sida uu u gaari lahaa͵ naftiisa waa ku kalsoonyahay͵go aankiisa isagaa u madax banaan͵ dadka kalana inta wanaagsan ayuu ka qaataa, balso markuu hadafkiisa gaaro ayaa waxaa ku dhacaa arxandarro wuxuuna iska dhaga tiraa guushii uu gaaray kamana faa’iidaysto.
6- Nooca lixaad͵ waa yaaqaan waxa uu doonayo Waxa uu rabo͵ sidoo kale waa yaaqaan meesha uu u marayo iyo waddada gaarsiinaysa, waxuu ku kalsoonyahay naftiisa͵ wuxuu aaminsan yahay waxa Eebbe subxaanahu wataacaalaa uu u hibeeyay maskax iyo karti͵ wuxuu dhagaystaa aragtiyada kala duwan inta wanaagsan ayuu ka qaataa͵ wax kastana go’aan ayuu ka gaaraa isaga oo Eebbe tala saaranaya sidaas ayuu hadafkiisa ku gaaraa, mana niyad jabiyaan caqabadaha ka horyimaada, iyo darbiyada kaga beegma halka uu tiigsanayo iyo yoolka uu rabo inuu gaaro.
Qalinkii: Abdifataax Kamas
Akhriso:-Dadku Waxa Ay u Qaybsamaan Lix Qeybood, Qof kastana Lixdaas ayuu Meel kaga jiraa: Kumaa Tahay Adigu?
Waxaa jira waxyaalo lagu kala sooco Aadanaha iyo qaybo ay u qaybsamaan. waxaana lagu ogaadaa qaabka qof waliba u yagleelo mustaqbalkiisa nololeed iyo u hayaanka hiraalkiisa. waana tan keenta in qofna gaaro guulo waa weyn, qofna habaaska loogu jiido o