Maseerka ama Hinaasha sidee lagu ogaadaa? NASASHADA JIMCAHA.Qaybtii-44aad.

0
Saturday May 20, 2017 - 22:08:49 in Wararka by
  • Visits: 1757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maseerka ama Hinaasha sidee lagu ogaadaa? NASASHADA JIMCAHA.Qaybtii-44aad.

    1-Haweeneey Maseeyrsan ayaa saaxiibteed waxa ay ku tiri: saaxiibeey, in ninkeeygu naag kale jiray maxaan ku ogaanayaa ?. waxa ay ku jawaabtay: Marka uu guriga yimaad, korkiisa ka raadi Tin, Kuna khasab in uu saacada badan fadhiyo, Haddii aad tin ku a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Haweeneey Maseeyrsan ayaa saaxiibteed waxa ay ku tiri: saaxiibeey, in ninkeeygu naag kale jiray maxaan ku ogaanayaa ?. waxa ay ku jawaabtay: Marka uu guriga yimaad, korkiisa ka raadi Tin, Kuna khasab in uu saacada badan fadhiyo, Haddii aad tin ku aragto waa marag ma doonto, haddii uu saacada badan fadhi waayana, gaagaab sokoroowgii uu ag fadhiyay ayuu ku soo daalay.


Markii uu guriga yimid, Waxa ay korkiisa ka raadisay Tin kama helin hal xabo, waxa ay ku tiri: Waryaa caawa maxeey aheed naagta bidaarta leh ee aad la joogtay. Asaga oo yaaban ayuu ku yiri: war wax bidaar leh ma arag ee i fasax jilbahaa i xanuunay saan u fadhiyay. xaaskii ayaa tiri: been ma sheegto, caawa dhan ayaad gaagaab sokorow ag fadhiday, saad is gaabi u leheed ayaa jilbuhu ku soo daaleen. Fiiri sawirka 1&,2aad.

(sayaasi maseeyrsan, muxuu ka fiiriyaa maamulka si uu u ciladeeyo?).

2- Imaam salaad subax ka dujinayay mid ka mid ah gobollada Suudaan ayaa akhrinayay aayaddan: ”Tuur waxay noqonaysaa abeeso soconaysa…”.Waxaase markiiba hortiisa kusoo dhacday abeeso kasoo dhacday saqafka masjidka oo ka samaysnaa coows, waxaana warkii ku dhegey imaamkii oo ay indho kasoo hareen jeer ay abeesada oo aad ugu dhowi hortiisa galgalanayso.

Qof ka mid ah safkii ka dambeeyay ayaa moodey inuu wadaadku gafay aayaddii ku xigtey wuuna u dhamaystiray isagoo leh: ”Qabo hana ka cabsanin waxaan ku celinaynaa qaabaddii hore” Markaa ayaa imaamkii oo weli naxsan ku yiri: ”Kaalay adigu qabo” fiiri sawirka 3aad. Xig: Mohamed Hagi.

3 – Naag ayaa waxaa ay maalin kasta ku heesi jirtay dameer, dameer , dameer, ciyaalkii xaafada ayaa ku soo ururay agteeda iyaga oo ugu yeeraya umu dameer, iyadiina kama caroon ee waa u yeertay iyada oo leh kaalaya ilmaheeygiyoo, kaalaya ilma dameeroow.

(Xildhibaano ayaa ku heesi jiray Mooshin, Mooshin… wasiira cusub iyo taageerayaal jidbeeysan ayaa ku soo shamuumay iyaga oo leh, kaalaya xildhibaanadii baarlamaankii umu mooshinoow. Xildhibaanadii ayaa ku yiri: kaalay ilma heeygiyoow ileeyn anigaa idin dhalaye).

4 – Haweeneey ayaa waxa ay laheed sagaal caruur ah, sideed ayaa ka saqiirtay, Kii u haray ayaa ka xanuunsaday, deriskii xaafada ayaa u tagay si ay ugu duceeyaan, in Allaah u caafiyo halka wiil ee u haray. Waxa ay tiri: Ducadiina Aamiin dirisow, Laakin cunugan yar waxaa iiga muuqda calaamado aan ku arki jiray walaalahiisii ka horeeyay, kan il geeriyaad ayaa ka muuqato.

( Mooshin ayaa Nairobi ka bilaawday aa!! Durbaba ma saluugbaa?. Ma fahmin halka loo raranyahay haddaa waagii iftiimayaa, halkey wax iska qaban la’yihiin?. Ma shalay ayaan laga fiirsan oo fudeed lagu galay?. ma La gaaray waqtigii dhaliisha iyo Mooshin ?. Ma moogin in ay siyaasadeeysan tahay, ma garan weynin in balamo la isaga baxay, in la is fahmi waayay, in mediyuhu been iibiyay bilawgii horeba, shaki kama taagno tabasho in ay jirto, in soo dhaweeyntii la filayay la iska waayay, in irdaha la iska xirtay, mise sooryadaa saluugneyd aan aheyn tii ku kala baxa, qaybtii harsaneed ee fara qabsiga miyaa maqan ?. Tani waxay i xusuusineysaa sheekadii shimbirkii baal falaar ee amaanada wadaadka loogu dhiibay ee laxajecleystay , qiil-nna u sameystay in uu ka xukunto …

sheeda waxaa laga dheehanayaa Geenyada shaaxmin in loo wada muhday, maadaama ceyn adag oo xajin karto looga jeedi waayay, waa sideey ula muuqatay , damac cusub miyaa dig soo yiri, Mise sidaas maa hee waa soo baraarujin dib u eegis balamadii, biilkii fasaxa baarlamaanka miyaa gabaabsi ah? qoondada qaraabkii laga soo helay dalka QATAR kama muuqato xildhibaanada hala xaal mariyo. Ma dagaal diaspora is fahmi weeysay ayaa shacabku ku dhax dhimanayaa, ha la soo baxo, waa beentood iyo i taageera.

war shacab kuma keenin ee anaa cod keeyga kaa gatay adoo raali ah, haddana waa ii beec. Walee shacaboow hadeey saan wax ku sii socdaan, shirka Nairobi iyo abaabulada dibada lama fududeeysan karo oo sideed caruur ah ayaa dartood hora nooga saqiirtay.

Xildhibaan yaqaan qiimaha dharkiisa iyo hoteelka laakin aan aqoon qiimaha maskaxdiisa iyo go’aankiisu dhibka uu keeni karo ayaa wax naloogu dhiibay iyo hogaan xildhibaankaasu soo xulay, waadna ogeed xildhibaanka laftiisa sidii aan ku soo xulanay . see loo hagaa wadan masuuliyiintiisu "for sale” wada yihiin). Fiiri Sawirka 4aad.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip