Juxa iyo Gabadha magaalada ugu Foosha Xumayd. Nasashada Jimcaha Q-43aad.

0
Friday May 12, 2017 - 18:18:31 in Maqaallo by
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juxa iyo Gabadha magaalada ugu Foosha Xumayd. Nasashada Jimcaha Q-43aad.

    1-Juxa ayaa loo doonay Gabar qurux loogu tilmaamay oo xafada deganeed, laakin uuna weligii arag. waana loo guuriyaya , habeenkii markii uu arkay ayuu ogaaday in ay tahay gabadha magaalada ugu fool xun. Subaxdii ayeey ku tiri: Seygeyga Juxoow ii kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Juxa ayaa loo doonay Gabar qurux loogu tilmaamay oo xafada deganeed, laakin uuna weligii arag. waana loo guuriyaya , habeenkii markii uu arkay ayuu ogaaday in ay tahay gabadha magaalada ugu fool xun. Subaxdii ayeey ku tiri: Seygeyga Juxoow ii kala sheeg ragga aad qaraabada tihiin, kuwa aan iska asturaayo iyo kuwa kale. Waxa uu ku yiri: Dadka oo dhan u muuqo laakin aniga iska kay astur.

( Federaaloow haddaad rabto dadka oo dhan u muuqo, laakin aniga iska keey astur,Faay Federaal. Fiiri: Sawirka 1aad)


2-laba nin oo isgaranayay ayaa waddada isaga hor yimid. Mid ayaa yiri: Hebelow ,markaad xagga soo socotay waxaad u ekeeyd naag, balse nin ayaad tahay. Kii kale ayaa yiri: Adigu markaad xaga soo socotay waxaad u ekeed nin.
(markaad is sharaxeeysay siyaasiyoow waxaad u ekeeyd , daacad ,wadani qowl leh .laakin marakaan ku dooranay xaqiiqda waxaan ka fahmay farqiga u dhaxeeya mustaqbalka ubadkeena sida aad u qorsheeysay ….) . Fiiri: Sawirada 2,3aad.
3-Sanadihii 60aad kii, ayaa Madaxweeynihii Soomaaliya waxa uu booqday shiinaha. waxa uu la kulmay madaxwaynaha shiinaha oo markaa wiil u dhashay. Madaxweynihii Somalia ayaa laga codsaday in uu magac u bixiyo wiilkan yar ee shiineeska ah . Maxaweeynihii Soomaaliay talo ayaa ku cadaatay isagoo yaaban oo wax uu sameeyo garan la’ ayuu hindhisay, HITISHOOOW!!!!!!HITISHOOW markaasaa ayaa lawada sacbiyay oo la yiri: magac fiican ayaad u bixisay wiilkan HITISHOOW waa magac qurux badan! Mr.HITISHOOW.
(Haddii inta shirka London uu socdo will kuu dhasho,u bixid Mr. SOM OIL, Naaneestiisana Qadar ama khaliij yare dollar daadshe,bacdamaa wiilkan yari xatta ajaanibtii iyo intii lacag qiimeeyn kartaba uu balan qaad aan la arag lana maqal uu siiyay ,qof qof, shirkad shirkad , dowlad dowlad, federal federal ,Ar yaa qadsan oon gacanu gaarin, gadaal haka gunuunicin,dhinacaaga ka xaabso , ama ogoow in xaaraantana la xisaabiyo. Duco naga kaasho in uu baari kuu noqdo, laakin Wixii aad kala kulantu waa kuu kaligaa, Ilaa aad ka ogaaneeysid awooda shabaka. Fiiri: Sawirka 4aad)!!!!.
FG. Ha u macneeyn si shakhsi ah ama u jeedo qof gaar ah, waa aragti guud.

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip