Sakhraankii Heesta Qaraamiga ah qaaday NASASHADA JIMCAHA .Q-42aad.

0
Friday May 05, 2017 - 19:22:58 in Wararka by
  • Visits: 1285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sakhraankii Heesta Qaraamiga ah qaaday NASASHADA JIMCAHA .Q-42aad.

    1-Nin sakhraan ah oo waddada marayay ayaa qaaday Hees Qaraami ah " kuwii hore". Oday waddada dhinaceeda kale ku qayilayay ayaa ku yiri: Nin yahoow heestaadu caadi ma ahan, waxa ayna dib ii celsay 30 sanno. Sakhraankii ayaa ku yiri: Meeqa sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin sakhraan ah oo waddada marayay ayaa qaaday Hees Qaraami ah " kuwii hore". Oday waddada dhinaceeda kale ku qayilayay ayaa ku yiri: Nin yahoow heestaadu caadi ma ahan, waxa ayna dib ii celsay 30 sanno. Sakhraankii ayaa ku yiri: Meeqa sanno yaaad jirtaa? Odaygiii ayaa ku jawaabay 60 sanno. Sakhraankii ayaa ku yiri: haddii aan heestaan mar labaad qaado sow da'daadu Eber ( Zero) ku noqon meeyso .

( war illaa 1960kii dowladahan naloo dhisayo, armaa loogu tala galay in da’deena mar kasta dib loo celiyo,oo aan ku dhax noolaano dowlad aan khibrad dowladnimo leheyn iyo Siyaasi aan khibrad siyaasadeed leheeyn ).
2-wax qoraal Akhyaareed lagu qoro ma ahan: Maalinbaa Nin, isagoo aad u xanuunsanaya ayaa xaskiisa ku tiri:


"Odaygeeygiyoow, intaadan dhiman bal aan ku cafiyee ii sheeg haddii uu jiro dembi aad iga gashay?”. Ninkii ayaa ku yiri:”Hal mar oo keliya ayaan dembi kaa galay, waxaan la nastay saaxiibtaa, waxaana siiyay hadiyad qiimaheedu ahaa $10.
Xaaskii ayaa aad u carootay oo qeylisay, kuna tiri: Waan ogaa in aad Doqon tahay, Sideed ku siisay Hadiyadaa $10 ah. Ma aniga ayeey iga fiican tahay? sow ma ogid in aan anigu ninkeedia la nasto weligiisna Hadiyad ima siin .!! ?.waxa ay ku tiri: waxa aan faraatiga kuugu sawirtay waxaan ka waday odaygu gacanteeyduu ku jiraa. Fiiri: sawirka.1aad
( Siyaasiyiinta qaar yaan la dar daarminin. Ceebta Allaah ha asturo. Waa duni Hadiyadu ay dambiga ka muhimsanyihiin).
3- Sharmaake ayaa yiri: Oday ayaa wiil yar oo uu dhalay Ku yiri: wiilkeeygiyoow orod bal guriga jaarkeena ( dereskeena ) ah soo eeg maxeey tahay qaylada iyo buuqa ka socdaa, Wiilkii yaraa ayaa jaarkii u teggay wuxuna ogaadey in reerka laga Af-duubtay inantoodii. Wiilkii degdeg ayuu aabihii ugu soo noqday, waana ka xishooday inuu u sheego in reerka inantoodii ay dhawr maalmood ka maqantahay,ka dibna wuxu Ku yiri: Aabe waxaa laga xaday reerka (NOOHADII) waa baabuur yar oo kuwa raaxada ah.
odaygii ayaa kacay oo u tegey dereskii, markii uu Irida ka sii galayay ayuu yiri: war taasi haydinka maqnaato, maalin walba waxaa wadan jirey oo Garaashka ka soo qaadan jiray inamada xaafada, mid mid ayay u Kori jireen xataa anigu Mar aan koray waan yaabay wuxu raxa badana bala ku sii qaaday, say gooladaha ugu weecato ayaan jeceshahay kkkkkkkkkk…. Odaygii wuxuu ku war helay isagoo hospitalka jiifa!!!! . fiiri: sawirka 2 & 3aad.
( Fudeeyd ma fiicno ee warka ha leeysku faah faahiyo, intaan isbitaalka la isku soo salaamin).
4-Maymun Cabdullahi, oo aheed gabar yar oo qurbaha ku dhalatay kuna soo bar baartay, ayaa la keenay dalka si ay dhaqanka wax uga barato. Muddo markeey joogtay ayaa la weeydiiyay, Iduhu maxay uga duwan yihiin Ari cadka?.
Maymuna ayaa ku jawaabtay: Iduhu waxa ay wataan Niqaab yar oo madow ah , waxaana u xiran xafaayad mar kasta, laakin Ari cadka maya. Fiiri: sawirka: 4 & 5aad.
(ha la soo boodin qofkaasi waa qaldanyahya ilaa aad ogaato , aqoonta uu wax ku cabirayo).
5-Nin Sucuudiga muddo ku maqnaa ayaa halheeysa ( hal qabsi) ka dhigtay” Haaddaa hiya al mushkila” taasaa dhib ah.
Maalintii dambe ayuu gurigiisa soo galay oo waxaa lagu yiri: maanta oo dhan ayaa waxaa ku sugeeysay oo qolka fadhiga ku jirta Sodogtaa. markaas ayuu ku yiri: Haaddaa hiya al mushkila… Haadaa hiya Al mushkila, mushkiladdii ka dhalatay , 2 bil ayeey qaadatay in qaraabdu ku xaliso.
6-Nin waadad ahaa oo aan waligii Jaad " Qaat” cunin , ayaa maalin xanuusaday, saaxiibadii oo jaadka cuni jirey ayaa waxay u keeneen, cabitaan nafaqa leh oo " Avocado” looga yaqaan east Africa, intuu eegay ayuu ku yiri: Aabihiin cunna, Caawana ma anigiibaad garaabo isoo ridiqdeen " shiideen”.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip