Nasashada Jimcaha: Dowladii Kacaanka maxay samaysay markii ay laba kaclaynaysay!!

0
Friday April 28, 2017 - 20:23:00 in Wararka by
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha: Dowladii Kacaanka maxay samaysay markii ay laba kaclaynaysay!!

    1-Dowladdii kacaanka ayaa markeey laba kacleeysay kadib ,waxay u dirtay wadamada Sucuudiga, Talyaaniga iyo Ingriiska wafdi ay wada hogaaminayaan saddax masuul oo ku wanaagsan luqada wadamadaa. Markii Sucuudiga la tagay ayaa kii carabiga yaqiin si uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Dowladdii kacaanka ayaa markeey laba kacleeysay kadib ,waxay u dirtay wadamada Sucuudiga, Talyaaniga iyo Ingriiska wafdi ay wada hogaaminayaan saddax masuul oo ku wanaagsan luqada wadamadaa. Markii Sucuudiga la tagay ayaa kii carabiga yaqiin si uu dadka isku baro ku yiri: Annaa Wasiiru Daabulaat Al- arli Wa Samaawaati.( waxaan ahay wasiirka duulimaadka cirka iyo dhulka). Markii ingriiska la taagay ayaa waxaa isna dadka isbaray wasiirkii xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa oo yiri: I am the Minister of Animal Care , trees ,Grass and all of them you understood.ok. Markii talyaaniga latagay ayaa waxaa hadlay Gacanyarihii xafiska madaxweynaha oo cadeeynayay sababta laba kacleeynta kacaanka wuxuuna yiri: io sono il mano biccolo del testa garade ,Il governo somalo ha biangato oggi barche due alzata .

Haddii (indhoolayaashii na jeeb siibi jirtay) qaar koodii aqoonta lagu xushay ay saa wax noogu sharaxeen anoo taa la yaaban ayaad hadana dig soo sii seen Banaadir see loo qoraa.?berrina waxaasoo socota haddii aay laatiin tahay xamar u qor hadeey Somali tahayna Hamar u qor. Waxaan filayaa howlahaa kuwa ka muhimsan ayaa noo yaal.

2- Cumar Iyo Axmed ayaa maalin Ramadaan ah isku raacay Baraagta dabaasha labadooduba waxa ay rabaan in ay Biyo Cabaan mid kastana kan kale ayuu ka xishoonayay, Cumar Yiri Sida Biyaha loo Yumbado/quuso (Sunk)mataqaan? Haa ayuu ku Yiri, ee ifiirso Hoos ayuu madaxa lagalay wuuna soo cabay biyihii . kii kalana Kor ayuu ka cabay intii uu hoos ku maqna, markaas ayuu Yiri Maxad Bananka ka samaynaysay wuxuu ku jawaabay wixii aad Adigu Gudaha ka samaynaysay ..Fiiri Sawirka.1aad.

( Labo Masuul oo Saaxibo ahaa ayaa markii xilkii laga qaaday mid safar u aaday Dalka Dibadiisa midna Dalka ayuu ku haray si uu u dhameeystirto Guri qabyo ka ahaa .kii kale ayaa ku Yiri Saaxibow adiguna maxad Dalka intaaa uga maqneed , waxaa uu ku yiri saaxiiboow howsha aad inta ka heeysay ayaan anna xaga ka waday… Sheekh cabdi Aloobay oo meesha taagnaaa ayaa yiri: Aloobeey dal iyo dibad anaga lee nalaga dhisooyaa).

3 –wiilal dhalin yaro Somali ah ayaa dalka talyaaniga loogu qaaday tababar police oo ka dhashay heshiis dhax maray madaxweeynaha maamul gobaleedka iyo dowlada talyaaniga.. wiilashii mid ka mid ah ayaa waxa uu arkay nin uu sawirkiisu ku dhagan yahaya darbiga airporka,suaal ayuuna ka weeydiiyay sawirkii turjubaankii ayaa ku yiri: wuxuu idin lee yahay waa nin dambiilaa oo aad loo raadinayo. Mid ka mid ah dhaliyaradii ayaa yiri.war ma kuwaan ayaan ka soo doonanay wax barasho. Markii ay sawirayeen maxeey u qaban waayeen? Ha la yaabin maamulka adeerkii weli Files & archive ma gaarine.

4-Hadda kahor baa will xamar, waxaa uu orod ku sooo gaaray Albaabkiii gurigooda ,Albaabkii ayuuu garaacay asaga oo leh Baaba iga fur . waa wiilkaaagii aweeys tuug ayaa I soo bursanayay . Aabihii ayaa ku yiri haddii tuug ku soo bursanayo guriga maa noogu keenee, Hadda gadaal u carar iintuuna imaan soo dhumi,kadibna soo noqo.wiilkiisii kale oo dibadada kayimid qolka jiifay ayuu soo toosay oo ku yiri: Aabe kan maxaad uga naxee anaga habeen kasta USA waxaa na sooo bursaba mortagage, Advance, second Mortagage. Loan, Debt, Obligations, Insurance, Bill, Notice, Liability markaa ayaan guriga orod ku soo galnaa.

5-wiil iyo Aabahii oo aan sidaa u caqli badneeyn ayaa soo aadady suuqa oo ka fog gurigooda qiyaas socod 2 saac .nasiin daro markii ay suuqa soo gaareen, Waxa mid kasta uu dareemay in uu wato dacas uuna laheeyn.si loo hubsado halka wax ku kala badalmeen ayaa gurigii loo sooo noqday ,markiii xaafada la yimid ayeey fahmeen in ay u kala badalmeen,Aabihiii ayaa yiri: soow kuma dhihin wax kasta marka guriga la tago ayeey kala cadaan doonaan.fiiri sawirka 2&3aad

Anagaba wax kasta marka Adis la tago ayeey noo kala cadaadaa cidddakabaheena isku bedeshay

6- wiil ayaa aabahiii weeydiiyaya Aabe ii sharax xuruuftaan Afka qalaad ee nalooo keenay oo kala ah: Fedralizim, parliament , election , democratic, human rights.


Aabihii ayaa yiri qaar ayaan aqaan sida loogu fasiro, laakin kuma aqaan af Somalia : kuwa aannaqaan waa sida Federalism in power of the Clan, By the Clan ,for the Clan ,to the Clan. Election : is part of business give and take. Parliament : where most of the people can discuss what they do not know. ninba siduu jirkiisa u dhisu ayuu caqligiisu u dhismaa Fiiri sawirka 4&5aad ..the other two never look an answer for them.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip