(TALO-SOO-JEEDIN): Mudane Madaxweyne, Madaxda Aad Magacaabi Doonto Ka Fiirso In Aan Qabiil Loo Eegin Ee Loo Eego Qaran .

0
Tuesday February 21, 2017 - 14:04:43 in Maqaallo by
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (TALO-SOO-JEEDIN): Mudane Madaxweyne, Madaxda Aad Magacaabi Doonto Ka Fiirso In Aan Qabiil Loo Eegin Ee Loo Eego Qaran .

    Mudanew Madaxweyne, marka hore waan ku salaamayaa Salaan Dabadeed, Xilka Maanta laguu magacaabay ee Culus, Waxaan ilaaheey kaaga Baryayaa inuu kuu Fuduseeyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanew Madaxweyne, marka hore waan ku salaamayaa Salaan Dabadeed, Xilka Maanta laguu magacaabay ee Culus, Waxaan ilaaheey kaaga Baryayaa inuu kuu Fuduseeyo,

TALLO SOO JEEDIN

Anigoo ah ( Korneyl- C/raxmaan Carab Cilmi Cali ) Mudane Xilka Ummadda Soomaaliyeed aad u qabatay ee Yididiilada geliyay , Soomaaliya wey Hurudee wey toostay,

QODOBADA HOOS KU XUSAN

Qodobka Mudane Madaxweyne u Horeeya tallo soo jeedinteyda , Waa Garsoorka iyo Caddaaladda in aad u yeesho Awoodda Tayo ka madax-bannaan Korrebshanka

Qodobka Labaad waa Ciidanka , Dal aan Ciidan laheyni madhismo Xuduudana ma Ilaashado , Ciidan qaran oo lagu Xulay Orgaanikada .

Qodobka Saadexaad Ilaha Dhaqaalaha oo la adkeeyo aan Korrobshin laheyn Ciddii ka soo bixi kareysana loo dhiibo

Qodobka Afraad Dastuurka Dalka uu leeyahay ee Qabyada ah in la Dhameystiri si loo helo Sharci iyo Kala dambeyn

Qodobka shannaad , In Gobolada Sharcigoodo ay Dowladda Dhexe kula Shaqeybn lahaayeen Waxna kula wadaagi lahaayeen in la dhameystiro

Qodobka Lixaad in aan Wax Xuduudo ah lookala jeedin Gobolada Federaalka ah si ayna Deegaanka iyo Daaqsinta u kala Xiran Muranna uusan dhex gelin

Qodobka Todobaad , Madaxda Xilalka qaban doonta ee lagu aaminay ineey Dowladda Soomaaliyeed ee Fedeaalka ah howlo u qabtaan imaad ka fiirsato oo aan Qabiil loo eegin ee loo eego Qaran .

Qodobka Sideedaad in dib loo soo celiyo Wasaaradihii ay laheyd Dowladda ee loogu adeegaayay Dadweynaha in lagu soo celiyo Gacanta Dowladda dhgexe Sida Wasaaradda Tacliinta, Sida Wasaaradda Caafimaadka , Sida Xoogga Korontada , Sida Wakaaladda Biyaha, Sida Isgaarsiinta si ay dib ugu soo Noqdaan Gacanta Dowladda .

Qodobka Sagaalaad, Wareegtadaada soo baxdaa Waa in eey si cad u fusho lana Xaqiijiyo ineey Fushay Amaawiirtaas .

Mudane Madaxweyne

Waa ineeynan Dowladda naga Noqon Tu Garuubyo iyo kooxo u kala Baxsan ee ay noqoto Dowladmidnimo Qaran ah

Mudane Madaxweyn in ay Dowladdaadu yeelato Ruug Caddaa Qeybo badan kaala Taliya oo aan Qabiil loo eegin ee Aqoon loo eego , Sida Gaashaan dhigga , Sida Dhaqaalaha, Sida Dhaqanka Beelaha Gobolada , Sida Federaalka Soohdimaha ee Dalka , Sida Siyaadda Mideynta oo lagu Saleynaayo Hab Dhaqameedka Siyaasadda Gobolada

In Shaqaalaha Wasaaradaha loo Xulo Aqoon iyo Tayeyn la tayeynayo , sideey wasaaradda walba u gudato Saqadeeda loo Igmaday ee ay leedahay Xag horumarin Shaqo iyo Dhaqaalaba , Shaqaalaheedana u siiso Xirfado iyo aqoon dheeraad ah

Siyaasayiinta u Hanqaltaageysa Xilalka Sare ee Dalka ineey qabtaan , Maanta waxaa loo baahan yahay Nin u Adeega Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Nin ka adeegta looma baahna , Waxaa la doonayaq in Ninka ka qeybgalayaahi inuu Dhexda Xidho , Qaranka Soomaaliyeedna uu soo toosiyo oo u Shaqeeyo , Muran iyo Siyaasad iyo Qal-qalna aanu soo gelin Dowladda .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed oo maanta Hoggaanka Soomaaliyeed kuna hagaya Waddadii toosneyd ku hagaya , wixii naga Xumaadayna ka Daba tagaya in lala Shaqeeyo si daacad –nimo ah Dhammaan inta Xilka loo Dhiibi doono iyo Dadweynahaba Fadhiga ka kacaan oo Dowladda iyo Ummadda loo wada Shaqeeyo

IFTIIN NOO BAXAY IYO ARAGTI AAN U JEEDNO AYAA MAANTA INOO BAXAYA DIBNA U LAABAN MEYNO WAANU HURUDNEE WAAN TOOSNAY ,

Ballan baana ku qaadnay Haddii aan Ciidanka qaranka nahay in aan waajibkayaga ka soo baxeyno , Amarada ka soo baxana aanu fulineyno, Howsha qarankana inaaynaan qofna oga waabaneyn , inta naga xunna waxaan ilaahey ka rajeyneynaa in uu soo hanuuniyo Dalkooda iyo Dadkoodana ay u naxaan

Mudane Madaxweyne Aqoonteydii iyo Aaraadii aan Maskaxdeyda ka helay ayaan kugu biiriyay ee Ma’aha Amar ee waa tallo soo Jeedin .

GUUL SOOMAALIYEEY

MUDANE MADAXWEYNE ‘FARMAAJO’ NA HOGGAAMI

Waxaa Qoray: Korneyl C/raxmaan Carab Cilmi Cali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip