Wararka

Haweeneey Ahlu-Kheyr ah oo Geeriyootay! (Aan u Duceyno Marxuum Caasho Cabdi Diini).

0 Visits: 245 | Thursday July 16, 2020 - 20:57:18
Adduunyadu waa safar qof walbana maalin ayuu ka tagayaa, Geeridu waa xaq, waana halka lagu dambeyn doono, ma-dhinte waa Alle ee Eebbe ha u naxaraiistee waxaa maanta ifka ka wareegtay Marwadii uu horey uga geeriyooday Guddoomiyihii Guddiga qoraalka farta Soomaaliga Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali…

Read More »

Dhaqaalaha Shiinaha oo dib usoo kabtay kadib saameentii Covid-19.

0 Visits: 250 | Thursday July 16, 2020 - 20:51:55
Dhaqaalaha Shiinaha ayaa sameeyay soo kabsasho wanaagsan kadib markii 3.2% boqolkiiba uu sara u kacay bilihii ugu danbeeyay. Wadankan oo ah kan labaad ee dunida ugu dhaqaalaha xoogan ayaa sadaxdii bil ee ugu horeeyay sanadkan waxaa soo wajahay dhaqaala xumadii ugu baahsaneed kadib markii lasoo rogay…

Read More »

Madaxwayne Trump oo badalay madaxii olalihiisa doorashada.

0 Visits: 230 | Thursday July 16, 2020 - 20:48:01
Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa badalay madaxii olalihiisa doorasho xilli uu tartan adag kakala kulmayo mushraxa dhanka Dimoqraadiyiinta ka socda ee Joe Biden. Madaxwayne Trump ayaa bartiisa twiter'ka kusoo qoray in madaxii oloihiisa doorashada Brad Parscale, uu ku badalay Bill Stepien,…

Read More »

Muudey: Xerarka lagu galayo dooraasho waqtigeeda ku dhacdo ma ahan xeer ee waa xal

0 Visits: 199 | Thursday July 16, 2020 - 20:19:05
Siyaasiga Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa ka hadlay warka ka soo yeeray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Arbacadii si lama fillaan ahayd uga horyimid warmuriyeedkii Axadii laga soo saaray wejiga 1aad ee shirka Magaalada…

Read More »

Puntland oo ka hor timid go'aan kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya

0 Visits: 214 | Thursday July 16, 2020 - 20:15:07
Puntland ayaa sheegtay in aysan ku dhaqmidoonin amar kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, oo ah in cid walba oo dalka ka dhoofaysa ay shahaadada Covid19 ka qaadan karaan oo kaliya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wasaaraddu waxay sheegtay cidii meel kale kasoo qaadata shahaadadaas oo ah mid…

Read More »

Farmaajo, Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada ee RW ee Somaliya

0 Visits: 267 | Thursday July 16, 2020 - 19:36:34
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada meydka AUN RW hore ee dalka Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga. Marxuumka ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo lagu daweynayay,kaidb…

Read More »

R/wasaare Kheyre oo ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay Xasan Abshir Faarax

0 Visits: 211 | Thursday July 16, 2020 - 19:07:42
Magaalada Garoowe, waxaa maanta lagu aasay Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Allah u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen, Ra'iisul wasaaraha dalka, guddoomiyaha golaha Aqalka sare, iyo madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada. Meydka Ra'iisul wasaare, Xasan Abshir,…

Read More »

Booliiska Magaalada Gaalkacyo oo qabtay Gaadiid siday Dhuxul +Sawirro

0 Visits: 205 | Thursday July 16, 2020 - 18:56:36
Ciidanka booliiska gobolka Mudug ayaa maanta qabtay 10 gaari oo siday dhuxul taas oo horey u mamnuuceen mas'uuliyiinta Galmudug, si loo badbaadiyo degaanka, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska. Taliyaha qeybta booliiska gobolka gaashaanle dhexe, Qaasim Shirdoon Cali, ayaa sheegay in sii wadayaan…

Read More »

Dowladda Somalia oo amar siisay dadka ka dhoofaya dalka

0 Visits: 209 | Thursday July 16, 2020 - 18:53:06
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay cadaynaysaa in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo kaliya shaybaarka qaranka ee magaalada Muqdishu kaas oo ah xarunta kaliya ee haysata aqoonsiga baarista COVID19 wadata tixraaca, sumada iyo…

Read More »

Maalqabeeno iyo madax Maraykan ah oo la jabsaday cinwaanadooda Twitterka

0 Visits: 220 | Thursday July 16, 2020 - 18:26:28
Maal qabeennada dunida ugu taajirsan Elon Musk, Jeff Bezos iyo Bill Gates ayaa ka mid ah shaqsiyaadka caanka ah ee dalkaasi Mareykanka oo cinwaannadooda Twitter-ka la jabsaday. Siyaasiyiinta caanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsadayna waxaa ka mid ah Barack Obama, Joe Biden iyo Kanye West…

Read More »

Ruushka oo beegsanaya cilmi baarista lagu raadinayo tallaalka Covid-19

0 Visits: 222 | Thursday July 16, 2020 - 18:22:07
Koox dhac ka geysata Internetka oo kasoo jeeda Ruushka ayaa bartilmaameedsanayaa ha'yadaha isku dayaya inay soo saaraan tallaalka looga hortaggayo cudurka Corona, sida ay sheegtay xarunta qaran ee qaabilsan arrimaha amniga intertnetka UK. Xarunta qaran ee qaabilsan arrimaha amniga intertnetka UK…

Read More »

Xildhibaanno ka tirsan BF oo dalab culus hor-dhigay madaxweyne FARMAAJO

0 Visits: 226 | Thursday July 16, 2020 - 18:07:09
Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka aha ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa…

Read More »

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Yarey oo gaartay Dhuusamareeb

0 Visits: 194 | Thursday July 16, 2020 - 18:02:34
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowladda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaartay goor dhaw oo maanta ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey). Safarka Xaliimo Yarey ay ku tagtay Magaalada Dhuusamareeb ayaanan horay loo…

Read More »

Sanbaloolshe "Farmaajo inta aan ka aqaan waa nin aan ka fuqin meesha uu ku dhego"

0 Visits: 199 | Thursday July 16, 2020 - 17:56:58
Taliyihii hore ee Hey'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Goobjoog kaga hadlay doorashooyinka, shirka Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada iyo arrimo kale. Sanbaloolshe ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu yahay shir xasaasi…

Read More »

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askari dil geystay

0 Visits: 212 | Thursday July 16, 2020 - 17:48:29
Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xukun ku riday askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kaas oo horay u dilay qof Shacab ah. Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan…

Read More »

SAWIRO:-Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Aas Qaran loogu sameeyay Garoowe

0 Visits: 216 | Thursday July 16, 2020 - 12:09:50
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan Xasan Abshir faarax,kaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga. Ka hor inta aan loo duulin Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaadi Janaasada…

Read More »

HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 16-JUNE-2020

0 Visits: 812 | Thursday July 16, 2020 - 11:32:27
Galmudug oo faah faahisay Safarka Mada xweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb Madaxweynaha Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan ta go M/Dhuusamareeb ee Caasimada Galmud ug,halkaas oo la filayo inay kulan ku yeeshaan Madaxda D/Soomaaliya & Dowlad goboleedy ada. R/Wasaaraha Soomaaliya…

Read More »

Dameer sababay burburka diyaaradii ku dhacday magaalada Beledweyne

0 Visits: 246 | Wednesday July 15, 2020 - 23:02:19
Diyaaraddii ku burburtay garoonka Beledweyn ayaa la sheegay in ay dhacday ka dib markii ay aragtay dameer ku socday jidkii ay ku degi lahayd. Diyaarad oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Bluebird Aviation oo laga leeyahay Kenya ayaa shalay ku dhacday magaalada Baledweyne xilli ay cagadhiganeysay. "Shilkaasi…

Read More »

Ethiopia oo bilowday buuxinta biyo xireenka wabiga Niil

0 Visits: 285 | Wednesday July 15, 2020 - 23:00:21
Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay bilowday buuxinta biyo xireenka weyn ee dalkaasi ka dhisayo webiga Niil, Sida uu sheegay wasiirka Biyaha xukuumada Ethiopia. Ethiopia ayaa aaminsan in haddii uu hirgalo biyo xireenkan in ay saboolnimada ka bixi doonaan inku dhow boqol malyan oo Ethiopian ah,iyadoo…

Read More »

Taabit Cabdi" Guddoomiye Mursal laba Arrin isma qabatee kala daaya"

0 Visits: 239 | Wednesday July 15, 2020 - 22:51:41
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ahaa in aysan aqbaleyn doorasho dadbadan,isla markaana la qabanayo doorasho qof iyo Cod ah. Taabit Cabdi waxaa uu sheegay in talada dalka in Shacabka…

Read More »