Guddoomiyaha sarifleyda Hargeysa oo ka warbixiyay sababaha hoos u dhaca Shilinga Soomaaliland

0
Tuesday January 24, 2017 - 13:59:52 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha sarifleyda Hargeysa oo ka warbixiyay sababaha hoos u dhaca Shilinga Soomaaliland

    Gudoomiyaha sarriflayaasha magaalada Hargeysa Cabdilaahi Cabdi Bare ayaa golaha Guurtidda uga warbixiyey labadda qodob ee ugu wacan hoos u dhaca Shiling Somaliland, waxaanu ku eedeeyey hoos u dhaca lacagtaha Mobellada ku jira iyo Khaadka oo Dollar la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha sarriflayaasha magaalada Hargeysa Cabdilaahi Cabdi Bare ayaa golaha Guurtidda uga warbixiyey labadda qodob ee ugu wacan hoos u dhaca Shiling Somaliland, waxaanu ku eedeeyey hoos u dhaca lacagtaha Mobellada ku jira iyo Khaadka oo Dollar lagu bedelo marka la iibiyo.
Guddoomiyaha sarifleyaaasha Somaliland Cabdilaahi Cabdi Bare ayaa sheegay in hoos u dhaca lacagta sabab u tahay kadib markii ay dadku naceen lacagtii shilnka Soomaaliland oo marka mas’uul kasta uu mishaar qaato u badasho Doolar.

Gudoomiye ayaa golaha guurtidda tusaale u soo qaatay isaga oo sheegay in marka ay mishaar qaataan durbaba u madashaan Dollar taasina ay keentay in suuqa laga waayo Dollar mar haddii qof kasta Dollar dooonayo.

Cabdilaahi Cabdi Bare oo labada qodob ee ugu weyn sababta hoos u dhaca lacagteena waxa uu yidhi "Dollar inaguma kicine lacagteenii ayaa istaagtay, shilingkii Somaliland ayaa istaagay oo laga baxay, shakhsi kasta oo Somaliland wuxuu doonayaa dollar, lacagteenii meel baa lagu tuuray, tusaale ahaaan waxaad tihiin Guurti marka mushaharkiina qaadanaysaan mid waliba Dollar buu ka dhigtaa, oo ma qaato shilingka Somaliland mid waliba ii sarif buu leeyahay, haddii aad qaadataan lacagtiina guryihiina ayey ooli lahayd oo way shaqayn lahayd, waana dhibaato wadanka taalla oo aynu inagu samayno, haddii uu wasiir yahay, haddii xildhibaan yahay iyo haddii uu shaqaale yahay nina shilling kuma dhaxo, waxa jirta lacag nac, shilingkii Somaliland sariflayaasha iyo Banka dhexe ayuu ku dhex bakhtiyey, meel kale oo aaminaysa ama uu yaalla ma jirto”.

Gudoomiyaha Sarifleyaasha ayaa sheegay in haddii la doonayo in lacagtan hoos u dhacday kor loo soo qaado laga qabto lacagta mobiladda ee Zaadka iyo Edahabka iyo Jaadka oo barigii hore Bir lagu celin jiray oo imika dollar loogu celiyo Itoobiya.

"sababta ugu weyn ee ina hayaana waxay tahay waa Jaadka, caleentaasi dollar buu inaga rabaa maalin walba, Itoobiyaa birtooddii way diideen oo waxay yidhaahdeen dollar noogu keenna lacagta, waxaana suuqa la keena lacagtii kaashka ahayd oo dollar lagu bedelaa, dhibaatadda labaad waa Zaad, Mobilekii baa hawo lagugu shubay aan dolar lahayn ayaa Zaadka iyo E-dahab urursanayaa dollar dhulka yaallay, way ku shaqo tagaya mid dolar oo yaalana ma jirto, marka dollarkii qaybna Jaadku qaato qaybna Mobilka lagu shubo ee hawo lagaaga tagay, intaas oo laga qabto mooyee wax inoo shaqaynayaa ma jirto, shilingkeenii boodhka uun baa kudhac fool xumada malayn maysid, haddii wax laga qaban waayo waa lagu kala tagayaa”ayuu yidhi Bare.

Gudoomiyaha Sarifleyaasha ayaa sheegay haddii labadda arrimood wax laga qabto uun lacagtu hagaagi karto.

Si kastaba ha haatee, danyartii Somalilnad ayaa la daalaa dhacaya qiimo jabka ku yimid Shilingii Somaliland oo halkii dollar lagu sarifayo sideed kun iyo todobaadan shilling, halka barigii hore ka ahayd halka dollar toddoba kun oo Shiling.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip