FA-ga Oo Baahiyay Warbixintii Garsoore Jonathan Moss Ee Jose Mourinho Uu Ku Muteystay In Caawa Laga Mamnuuco Garoonka.

0
Saturday November 07, 2015 - 11:54:06 in Sports News by
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FA-ga Oo Baahiyay Warbixintii Garsoore Jonathan Moss Ee Jose Mourinho Uu Ku Muteystay In Caawa Laga Mamnuuco Garoonka.

    Sababtii Jose Mourinho looga mamnuucay garoonka kulanka maanta ayaa lagu sheegay inuu aflagaado u geystay garsoore Jonathan Moss intii ay socotay kulankii ay Chelsea guuldarada ka soo gaartay West Ham. Mourinho oo 52 sanno jir ah ayaa doortay inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababtii Jose Mourinho looga mamnuucay garoonka kulanka maanta ayaa lagu sheegay inuu aflagaado u geystay garsoore Jonathan Moss intii ay socotay kulankii ay Chelsea guuldarada ka soo gaartay West Ham. Mourinho oo 52 sanno jir ah ayaa doortay inuusan racfaan ka qaadanin ganaaxaas, taasoo ay sabab u aheyd ku celcelis uu ku sameeyay hab dhaqan xumo ay arkeen xiriirka kubada cagta Ingariiska.

Tababaraha Chelsea ayaa markii hore diiday inuu ka baxo qolka labiska ee garsoorayaasha.

Garsooraha ayaana warbixintiisa ku sheegay in Mourinho uu markaas ka dib ku qeylinayay: "Garsoorayaashiinaan Fu*king-ka ah waxaad tihiin kuwa daciif ah… Wenger waa ku saxnaa wixii uu idin ka sheegay.”

"Waxaan weydiistay inuu ka tago aaga qolka labiska garsoorayaasha” ayuu Jonathan Moss ku qoray wabixintiisa ciyaarta. "Wuu diiday. Mar kale ayaan weydiistay inuu baxo. Ka dib markii uu diiday waxaan weydiistay madaxa amaanka West Ham Mr Sutton inuu Mourinho ka saaro qolka.

"Waana waqtigaas waqtiga uu Mourinho furka tuurtay. Waxa uu ku qeylinayay garsooraashiinaan fu*cking-ka ah waxaad tihiin kuwa daciif ah… Wenger wuu ku saxnaa wixii uu idin ka sheegay… waxaad tihiin kuwa fu*cking ah oo daciif ah.”

Mourinho ayaa maanta ka mamnuucan inuu cagta soo dhigo garoonka Britannia Stadium halkaasoo kooxdiisa oo haatan ku jirta kaalinta 15aad ay la ciyaareyso Stoke City.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip