AMISOM oo beenisay in askar nool looga qabsaday weerarkii shalay ka dhacay degaanka Janaale

0
Wednesday September 02, 2015 - 10:35:25 in Wararka by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo beenisay in askar nool looga qabsaday weerarkii shalay ka dhacay degaanka Janaale

    Afhayeenka AMISOM Baawul Nakajuuna oo ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar nool ay Al shabaab gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii xooganaa ee ay ku soo qaadeen degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka AMISOM Baawul Nakajuuna oo ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar nool ay Al shabaab gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii xooganaa ee ay ku soo qaadeen degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose maalintii shalay. Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay iyaga gacanta ku hayaan, saldhiga uu shalay weerarka uu ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegay iney weerarkii shalay ku dileen in ka badan 50-askari, ayna gacanta ku dhigeen saanado milateri iyo shidaal, waxaana weerarkaas ay sheegeen inay ugu aar-gudayeen shacabkii AMISOM ku xasuuqday degmada Marka.


Goob joogayaal ku sugan Janaale ayaa sheegay inay arkeen meydad badan oo AMISOM ah, oo dhulka daadsan, waxaana mar dambe deegaanka soo gaaray ciidamo fara badan oo lugeynaya.

Baawul Nakajuuna ayaa intaas sii raaciyay in hadda ay iyaga maamulaan saldhiga, ayna si buuxda gacan ku heynta ula wareegeen.

"Cidii sheegtay iyadaa laga rabaa inay xaqiijiso in askar ka tirsan AMSIOM ay gacanta ku hayaan lagana dilay 50 askeriā€ ayuu intaa ku daray afhayeenka AMISOM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip