Odayaasha magaalada Cadaado oo ka hortagaya dagaalo ka dhaca magaalada

0
Wednesday January 18, 2017 - 10:09:35 in Wararka by
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaasha magaalada Cadaado oo ka hortagaya dagaalo ka dhaca magaalada

    Waxaa saaka degen xaalada magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyo ciidamada booliska iyo Nabbad sugidda Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saaka degen xaalada magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyo ciidamada booliska iyo Nabbad sugidda Galmudug.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Cadaado ka taagnaa cabsi ay qabeen dadka deegaanka, waxaana hadda la sheegayaa in xaalada tahay mid degen xiisadana ay qabowday.

Waxaa jira eedeymo ay jeedinayaan xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Galmudug, kuwaasi masuuliyiinta maamulka Galmudug ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Galgaduud oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa ku baxay shaqaaqadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado, waxayna sheegeen inaysan aqbali doonin dagaal magaalada markale ka dhaco.

Iska hor imaadkii shalay ka dhacay magaalada Cadaado ayaa sababay dhimashada ilaa seddex ruux, kuwaasi oo dhinacyada dagaalamay ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip