Shabaab oo xukun dil ku fuliyay askari u dhashay dalka Uganda

0
Wednesday January 18, 2017 - 09:39:59 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo xukun dil ku fuliyay askari u dhashay dalka Uganda

    Warbaahinta Ururka Al Shabaab, ayaa baahisay in la toogtay mid ka mid ah askarta reer Uganda, ee gacanta ugu jira Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada dalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Ururka Al Shabaab, ayaa baahisay in la toogtay mid ka mid ah askarta reer Uganda, ee gacanta ugu jira Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada dalka Somaliya.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jiray Masassa M.Y, ayaa waxaa uu ka tirsanaa Ciidanka Militariga Uganda, ee qaybta ka ah Amisom, waxaana ay Shabaabku ku qabteen weerar ballaaran, oo 1-dii bishii September ee sanadkii 2015 kula wareegeen xerada Ciidamada Amisom, ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Askarigan, ayaa mar sii horeysay farriin uu ku dalbanaayay in noloshiisa la badbaadiyo u jeediyay Madaxweyne Yoweri Museveni iyo shacabka reer Uganda, iyadoona uu ka codsaday in ay ka shaqeeyan, sidii uu kaga soo bixi lahaa gacanta Al Shabaab.

Farriintaasi oo muuqaal ahayd, ayuu Dowladda Uganda kaga codsaday in ay aqbasho dalabka Al Shabaab, oo ah in Uganda ay askarteeda kala baxdo Gobolada Koonfureed Somaliya.

Al Shabaab oo caawa soo bandhigtay muuqaal sagaal daqiiqo ah, ayaa waxaa ka soo muuqday askarigan, iyadoo aanu markaan wax codsi ah u jeedin Xukuumadda Kampala, sababo ku aadan iyadoo aan laga jawaabin codsigiisii hore.

Ha yeeshee Ciidanka Uganda ee la qorsheynayo in bedel ahaanta loo keeno Somaliya, ayaa wuxuu u jeediyay in ay ka fekeran imaanshahooda Somaliya. Waxaa uu xusay in Somaliya ay kaga soo horeyso xaalad khatar ah.

Muuqaalka ay caawa soo bandhigtay Al Shabaab, ayaa waxaa qaybta ugu dambeysa lagu arkaya askariga reer Uganda, oo madaxa uu ka tooganayo nin ka tirsan maleeshiyada Shabaab.

Masassa M.Y

Masassa M.Y, ayaa sanadkii 2009-kii ku biiray Ciidanka Lugta Uganda, iyadoona Somaliya loo keenay ka qayb qaadashada nabadaynta dalka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Xukunka dilka ee Shabaabku ku fuliyeen Masassa, ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, maalin ka dib, markii Ciidanka Uganda ay 10 qof oo rayid ahaa ku dileen Deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Uganda, ayaa waxaa lagu eedeeyay in si bareer ah ay gaarigooda u dulmariyeen gaari rakaab ka soo qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, una waday Magaalada Muqdisho.

Masassa M.Y1

Masassa oo la tooganayo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip