Alshabaab oo weeraray fariisimo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Mahaday

0
Tuesday January 17, 2017 - 15:20:52 in Wararka by
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo weeraray fariisimo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Mahaday

    Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday.

Rasaas xoog leh ayaa marqura laga maqlay saldhig Milatari oo ay ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Burundi iyadoo muddo kabadan saacad ay rasaastu dhacaysay.

Dhowaaqa rasaasta la is weydaarsanayay ayaa laga maqlay deegaano fogfog oo ay ka mid tahay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay iskahorimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qaado ciidamada Burundi tan iyo markii uu Madaxweynaha dalkaas uu amray in dib loogaga soo celiyo ciidamada Burundi dalka Soomaaliya. Lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan iyadoo aysan ka hadlin AMISOM iyo ururka Alshabaab,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip