Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Nabad Suggida Iyo Booliska oo ka dhacay Magaalada Cadaado

0
Tuesday January 17, 2017 - 15:03:28 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Nabad Suggida Iyo Booliska oo ka dhacay Magaalada Cadaado

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Nabad Suggida ay weerareen meel ay ku shirayeen Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed.

Goobta Xildhibaanada ay ku shirayeen, ayaa waxaa ilaalo gaar ah ka haayay ciidamada Booliska Galmudug, taasi waxa ay keentay inay isku dhacaan ciidamada Booliska Galmudug iyo Ciidamada Nabad Suggida.

Xildhibaan Shariif Arwaax oo ka mid ah Xubnaha sida aadka ah uga soo horjeeda Madaxweyne Guuleed, ayaa Warbaahinta u sheegay ciidamada Nabad Suggida Galmudug inay wateen saddex gaadiidka dagaalka oo ay ku soo weerareen xarunta Xildhibaanada.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi ayaa wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu gaarayo dhimashada saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Dagaalka ayaa goor dhaweyd istaagay, iyadoo guud ahaan Magaalada laga dareemaayo xiisada dagaalka dhacay.

Dagaalkaan ayaa wuxuu salka ku haayaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado, una dhaxeysa Xildhibaanada Galmudug iyo C/kariin Xuseen Guuleed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip