Burburka diyaarad waday 91 ruux oo laga helay xeebta magaalada Sochi ee dalka Ruushka

0
Sunday December 25, 2016 - 10:58:56 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burburka diyaarad waday 91 ruux oo laga helay xeebta magaalada Sochi ee dalka Ruushka

    Diyaarad Militari oo waday 91 ruux ayaa ku burburtay meel u dhow badda madow, sida wasaarada difaaca ruushka ay sheegtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaarad Militari oo waday 91 ruux ayaa ku burburtay meel u dhow badda madow, sida wasaarada difaaca ruushka ay sheegtay.

Diyaarada ayaa la waayay 20 daqiiqo kadib markii ay ka duushay magaalada Sochi ee dalka Ruushka, waxaana la helay burburkeeda.

Wasaarada difaaca Ruushka ayaa sheegtay in diyaarada oo ah Tu-154 ay siday shaqaale adeegayaal ah, kuwaasi ka tirsanaa kooxda meletari ee Alexandrov.

Diyaarada ayaa kusii jeeday gobolka Latakia ee dalka Syria.

Diyaarada ayaa la sheegay iney marka hore soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha ee Adler si ay shidaal u qaadato.

"Jajabka diyaarada Tu-154 ayaa laga helay meel 1.5 Km u jirta xeebta badda badow ee magaalada Sochiā€¯sidaasi ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada difaaca.

Afhayeen u hadlay wasaarada Igor Konashenkov ayaa sheegay in diyaarada ay waday rakaab doonayay iney sanadka cusub kusoo gutaan dalka Syria.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip