YAASIIN MAAXI: "Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata…." + Video

0
Sunday December 25, 2016 - 10:47:36 in Wararka by
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YAASIIN MAAXI: "Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata…." + Video

    Yaasiin Maaxi Macallim oo ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxwenaha cusub ayaa markii ugu horeysay ka hadlay taariikhdiisa waxbarasho, howlihii kala duwanaa ee uu ka qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, marxalada dalka uu marayo xilligaan iyo arrimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaasiin Maaxi Macallim oo ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxwenaha cusub ayaa markii ugu horeysay ka hadlay taariikhdiisa waxbarasho, howlihii kala duwanaa ee uu ka qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, marxalada dalka uu marayo xilligaan iyo arrimo kale oo fara badan.

Musharax Yaasiin Maaxi Macallim oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa wareysi uu siiyay Telefishanka STN waxa uu sheegay in Soomaaliya wixii ka dambeeyay xukunkii Milateriga AUN Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa ay ku jirtay marxalado isbed bedel badan.

"Way fududahay inaan Sweden xil ka qabto, balse ma fududa inaan dalkeyga wax ka noqdo” ayuu yiri Musharax Yaasiin Maaxi oo arrintaasi sabab uga dhigay xukunka dalka iyo awood qeybsiga nidaamka 4.5, taasi oo had iyo goor loo aaneeyo inay burbur degdeg ah ku keento dowlad kasta oo Soomaaliya loo sameeyo.

Yaasiin Maaxi oo dhinaca kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SSUP ayaa sheegay in xisbigiisu muddo dheer dadaal xoog leh geliyay sidii dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa xukuumad shacabka wada leeyahay oo soo celisa heybadii iyo qaranimadii dalku lahaa.

"Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka 2018-ka ee ah in laga gudbo nidaamka 4.5 ee qabiilka ku saleysan loona gudbo in nidaamka Xisbiyada” ayuu yiri Yaasiin Maaxi Macallim oo soo qaatay gabay uu horay uga tiriyay Soomaalida AUN Abwaan C/lle Taage Taraawiil.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga oo dhameystiran:-

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip