WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 25-KA DICEMBAR 2016-KA

0
Sunday December 25, 2016 - 09:47:42 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 25-KA DICEMBAR 2016-KA

    RA'ISUL WASAARE-KU-XIGEENKA DALKA OO CODKIISA KU BIIRIYAY SOOJEEDINADA LAGU DALBAYO IN LOOGU GURMADO DADKA ABAARUHU SAAMEEYEEN. Raisul Wasare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumer Carte oo shalay Shir jaraa'id ku qabtay Xafi iskiisa Muqdisho a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'ISUL WASAARE-KU-XIGEENKA DALKA OO CODKIISA KU BIIRIYAY SOOJEEDINADA LAGU DALBAYO IN LOOGU GURMADO DADKA ABAARUHU SAAMEEYEEN. Raisul Wasare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumer Carte oo shalay Shir jaraa'id ku qabtay Xafi iskiisa Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arimaha abaaraha.

 

 

Gudiga abaaraha ayuu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaalada abaaraha iyo saameynta ilaa iyo hadda lasoo warinayo ee ay wajahayaan dadka ay abaartu saameesay.

Maxamed Cumer Carte Raisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa Codkiisa ku biiriyay baaqyada ku aadan in loogu gurmado dadka abaaraha ay saameeyeen

DANJIRAHA QM OO WALAAC KA MUUJIYAY XIISADA COLAADEED EE KA SOO CUSBOONAATAY GAALKACYO

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xiisadda mar kale ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacayo, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada kala geddisan in ay tixgeliyaan he shiiskii xabbad joojinta oo labada dhinac ay kala saxiixdeen.

Warkan ka soo baxay xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa lagu sheeg ay, in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay ku xaliyeen tallaabo aan gacan ka hadal aheyn khilaafka u dhaxeeya,

islamarkaana dib loo furmo jidadkii ku xirmay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaa lada, lana kala qaado ciidamada.

Ugu danbeyntii, tan iyo markii isfahamka laga gaaray xiisadda Gaalkacayo, waxaa la howlgali yay guddiyo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku hawlanaa sidii xiisad da jirta loogu xallin lahaa wadahadal, inkastoo aad mooddo in meelaha qaar gaar ahaan waddooyinkii xirnaa iyo dib u furistooda aan lagu guuleysan.

Shacabkii dhawaan dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa walaac ka muujiyay xiisada mar kale ka soo cusboonaatay magaalada, gaar ahaan dagaalkii daraad dhacay oo shaki galin kara hi shiiskii horey loo ga-aray.

BAARLAMAANKA HIRSHABEELLE OO OGGOLAADAY IN 2 BIL LAGU KORDHIYO SOO DHISIDA GOLAHA WASIIRADA

Kulan shalay uu yeeshay baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu oggolaaday in muddo labo bilo od ah lagu kordhiyo waqtiga uu ku soo dhisayo Madaxweynaha Hirshabeelle Golaha Wasiirada Hir shabeelle.

Kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka Hirshabeelle kulankiisii 13aad ee la qabtay shalay ayaa wa xaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdi Xuseen Geedi.

Qoraal uu u soo direy Baarlamaanka Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo haatan ku sugan dalka Ethiopia ayaa waxaa laga hor aqriyay fadhiga baarlamaanka. Warqadan ayuu Madaxweyne Cosoble uu ugaga codsaday markale in la siiyo muddo labo bilood ah oo uu ku soo dhi so dowlada maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanadii kulankan ka qeygalay ayaa waxa ay oggolaadeen oo cod gacan taag ah ku ansi xiyeen in muddo labo bilood ah loogu kordhiyo Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble,Hase yeeshee qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka soo horjeestey in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Cosoble.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xuseen ayaa sheegay in aysan ahayn mid xilligan ku haboon in muddo kale lagu kordhiyo waqtiga soo dhisida golaha wasii rada.

Xildhibaanadan ayaa ku tilmaamay xilli kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Cosoble inay tah ay mid dano gaar ah uu ka leeyahay ayna isku xirneyn arrimaha doorashada qaran iyo dhismaha gola ha wasiirada xilli dowlad goboleedka goboladiisa ay ka jirto abaar iyo cuduro.

Kulanka baarlamaanka ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay goob aan ahayn xaruntii hore ee lagu soo dhisay dowlad goboleedka Hirshabeelle waxana xildhibaanada ay ku kulmeen xarunta mad axtooyada kumeelgaarka ah ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

Fadhiga uu yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay Mada xweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisaba ay safar dalka dibadiisa ugaga maqan yihiin halka Guddo omiyaha baarlamaankana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

PUNTLAND OO GALMUDUG UGU BAAQDAY IN AY ISKU FURAAN ISKU SOCODKA GANACSIGA GAALKACYO

Wasiirka Wasaaradda deegaanka maamulka Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame, ayaa Ma amulka Galmudug ugu baaqay in ay isku furaan isku socodka Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo ku xirmay dagaaladii u danbeeyay ee dhaxmaray labada maamul.

Wasiir Cali C/laahi ayaa sheegay in aysan jirn jid u xiran maamulka Puntland iyo ganacsi ay xa nibaad ku soo rageen, waxaana uu intaa ku darray in lo baahanyahay in labada maamul cadaawada iska dhaafan, kana shaqeeyan dantooda iyo hormarka magaalada Gaalkacyo.

"Walaalaha dariska ah waxaan ugu baaqayaa in ay furaan jidka ay xirteen,waxaan u baahana hay in qoriga la dhigo dadkeena hormarino oo aan ka shaqayno nabada iyo daris wanaaga,ma ay jirto jid u xiran Puntland iyo gacansi ka xaniban minda”ayuu yiri Wasiir Cali Cabdullaahi,

Sidoo kale, wasiirka deeganka Puntland Wasiir Cali C/laahi Warsame ayaa Xusay in Gaalkacyo ay tahay xuduntii Soomaaliya,islamarkaana u baahantahay amni iyo xasilooni ay ku noolaadan shac abka walaalaha ah ee wada Dagan.

Dhinaca kale, wadahadaladii maamuladda Galmudug iyo Puntland uga socanayay todobaady adii la so dhaafay Magaalada Gaalkacyo ayaa wax natiijo ah wali aysan ka so bix-in, Wadahadala daasi oo u dhaxeeya Dadka deegaanka.

Ugu Danbayntii, hadalka ka so baxay wasiirka deegaanka iyo Duur-joogta Puntland C/laahi Warsame ayaa ku so beegmaysa iyadoo daraad Dagaal dhexmaray labada dhinca ay ku dhinteen shan qof iyo kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

MAAMULKA JUBBALAND OO KU SOO BANDHIGAY KISMAAYO DAGAALYAHANO KA TIRSAN AL-SHABAAB

ararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland ay shalay ku soo bandhigeen 4 ruux oo ay ku sheegeen inay ka tirsanaay een ururka Alshabaab, kuwaasoo isku soo dhi-ibay ciidanka maamulka Jubbaland.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in rag ga isa soo dhiibay ay yihiin madax ka tirsan Waaxda Maaliyada Al-Shabaab. Dhawaan ayay aheyd markii Jubbaland ay Kis-ma ayo kusoo bandhigeen 3 dagaalyahan oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Dhowaan ayaa iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay galbeedka magaa lada Kismaayo iyadoo sidoo kale maamulka Jubba uu sheegtay in dib u soo celiyay geel faro badan oo Alshabaab ay ka dhaceen dad rayid ah.

Ururka Alshabaab ayaa maamula deegaano badan oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyadoo degmooyinka gobolka Jubbada Dhexe ay intooda badan ka taliyaan ururka Al-shabaab.

DAWLADA MAREYKANKA OO U OGOLAATAY QM INAY CAMBAAREYSO DEJINTA ISRAAIILIYIINTA DHULKA FALASTIINIYIINTA

Dawlada Mareykanka ayaa u ogolaatay Golaha Ammaanka ee QM inuu cambaareeyo dejinta Israaiiliyiinta dhulka Falastiiniyiinta.

Meelahaa gaar ahaan waa Daanta Galbeed iyo bariga Jerusalem. Maamulka Obama ee xilka dhawaan wareejinaya ayaa ganafka ku dhuftay rabitaano lagu doonayay in dawlada Mareykanku adeegsato codka veto ee diidmada qayaxan oo cambaareynta Israil looga soo horjeedo.

Madaxweynaha ladoortay ee dalkaa ee Donald Trump ayaa rabitaanadaa ay ka yimaadeen.

Waa mid ka mid ah diidmooyinkii ugu waaweynaa ee Mareykanku ku diido Israil ayadoo Israil iyo Mareykanku yihiin xulufo.

Sacab iyo sawaxan ayaa laisku daray markii haweeney da safiirka Mareykanka uga ah QM Samantha Power ay ogol aatay in qaraarka la ansaxiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray wacadna ku maray in QM wax iska baddali doonaan wixii loo gaaro 20ka Janaayo 2017.

ISRAA'IIL OO AMARTAY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA INAY JARTO XIRIIRKA UN

Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu ku amray wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil in ay bilk u soo afjarta qeemeynta ku saabsan xiriirkooda Qaramada Midoobeey.

Waxaa ka mid ah qeybaha ay qiimeynta ku sameynaya an dhaqaalaha ay Israa'iil siiso UN iyo joogitaanka wakiillada UN ee Israa'iil.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu hadalkaasi sheegay maalin ka dib markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoob eey uu meel mariyay qaraar ka dhan ah guryaha laga dhisayo dhulka Falastiin.

Trump oo hakiyay qaraar UN oo ka dhan ah Israa'iil

UN oo dalbaneysa in la joojiyo deegaameynta Israa'iil

Qaraarka wuxuu dalbanayaa in la joojiyo deegaameynta iyo dhismayaasha Israa'iil ay ka wado Qudus iyo Daanta Galbeed.

Mr Netanyahu ayaa go'aankaasi ku tilmaamay mid ceeb oo aan cadaaladna ahayn.

Turkiga iyo Israa’iil oo heshiiyay Wuxuu wacad ku maray in waqti yar gudihiisa la laali doono go'aankaasi.

CIIDAN KA TIRSAN AMISOM OO HOWLGABNIMO DALBADAY

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa dalbaday howlgabnimo kadib markii ay muddo dheer ku jireen howlaha Ciidanka sidoo kalena waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen Amisom.

Ciidankan oo ka tirsan Ciidanka Uganda islamarkaana dhawaan dib ugu laabtay dalkooda ayaa intooda badan nay talisyadooda weydiisteen in laga fasa xo howlaha Ciidanka loona ogolaado in ay dib ugu laabta an reerahooda.

Daraad ayaa waxaa inta badan Ciidan hal guuto ah oo ka laabtay Soomaaliya la siiyay bil fasax ah,waxaana la gu war geliyay in ay bil kadib howsha ku soo laabtaan.

David Muhoozi,oo ah Taliyaha Ciidanka lugta ee Ug anda,ayaa Ciidamada u sheegay in haddii ay soo laaban waayaan bil ka dib ay lumin doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda iyo howlgalka Amisom.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka aan soo laaban bil ka dib ay ciqaab kala kulmi doonaan talisyadooda,sidoo kalena ay weyn doonaan Mu shaarka 10 Bil oo ay ka shaqeynayeen Soomaaliya kaas oo aan wali la siin. Mid ka mid ah Ciidanka dalbaday howlgabnimada ayaa sheegay in uu Ciidanka Uganda ku biiray 1986-dii ,ka soo shaqeeyay Koofurta Suudaan,Sanad kadibna loo diray Soomaaliya isaga oo laga diiday howlgabnimadiisa.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga 6,700 oo Askari oo ka mid ah howlgalka Amisom ee Soo maaliya,waxaana guutadiiba ay shaqeysaa Sanad iyada oo lagu beddelo guuto kale.

Sidoo kale Uganda waxaa ay Ciidan ku leedahay howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaal iya,waxaana ay Ciidankaas ilaaliyaan xarumaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO RAJO KA MUUJIYEY QABSOOMIDDA DOORASHO QOF IYO COD AH SANADKA 2020

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyey in sanadka 2020-ka guud ah-aan dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo shacabka Soomaaliyeed ka wada qeyb qaataan.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa iyadoo u wara meysay Goobjoog News, waxay sheegtay in doorashooyinka hadda dalka ka socda ay noqdeen kuwo dhiirogeliyay guddigooda, islamarkaana muujinaya in sanadka 2020 dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

"Annaga aragtida aan qabno waxay tahay shalay meesha la joogo daraad lama joogin, waad xasuusatiin doorashadii 2020 waxay ka dhacday Muqdisho, waxaan ku shaqeyneynay Xalane dhexdiisa, shalay Saddex arrin aad u muhiim ah baa dhacday oo aysan dadku dareensaneen, dooras-hadii hoos baa loo dedejiyey, Xamar iyo Xalane laguma koobin gobolladii ayey ka dhacday, dadkii ayaa hoos loogu geeyey doorashada, midda Labaad waxay tahay doorashadii Hal oday soo qorayey xildhibaanka shalay waa labaahiyey oo waa la tiro badiyey oo dad badan baa go’aan kasoo gaarayey Halkii xildhibaan, 51 kaliya ma ahane qabiilada dhan baa fariisanayey waa laga doodayey waana laga hadlayey, wey baahday dad badan ayaana ka qeybgalay, midda Sadexaadna waxaa waayey meeshii Hal qof kaliya inta la dhigo iska qaadanayey shalay waa lagu tartamay oo dadbadan baa tartamay”

Xaliimo Yarey oo soo hadal qaaddey qoonadada Haweenka ee 30% iyo sida ay Labada aqal uga heleen ayaa tiri "Waxaan qabnaa in meeshii daraad la joogey meel ka fiican in la joogo, haddii dar aad ahayd 14% shalay waxay ku dhowdahay 24% tallaabo fiican baa la qaadey”

Ugu Dambeyn Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in hadda ay aad ugu dhiiradeen in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana xitaa haddii aysan dhicin doorasho qof iyo cod aan ahayn la heli karo doorasho inta badan ay ka qeybqaateen shacabka Soomaaliyeed.

"Waa inoo muuqataa, geesinimo weyn bay ina gelisay, haddii shalay gobol la tagey berina degmo iyo tuulo waa la tegi karaa, dad intaan ka badan ayaa ka qeybgali karta, haddii aan la dhihin xi taa dorasho qof iyo cod waxaa ka qeybgali kara dadka intiisa badan, waxaa inoo muuqata in wax la qa ban karo, annaga waxaan isku diyaarineynaa oo aan bilownay shaqadeenna oo tababarkeeda aan galnay oo sharciyadeeda wax ka dejineynaa inaan u diyaarinno umadda Soomaaaliyeed doorasho Hal qof iyo Hal cod, wax sahlanna maahan, wixii waan qabaneenaa waqti hebel dhahno waa inaan side eda u qabannaa” ayeey tiri Xaliimo Yarey.

Guddiga doorashada Qaran ayaa looga fadhiyaa sanadka 2020 in dalkaan ay ka hirgeliyaan do orasho qof iyo cod ah, maadaamada sanadkaan 2016 lagu guuldareystay inay dhacdo doorashadaasi.

FAAH-FAAHIN:- QARAX MIINO OO KA DHACAY GUDAHA SUUQA BAKAARAHA EE MAGAALADA MUQDISHO

Wararka aynu ka halayno Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in uu halkaa ka dhacay qarax Miino oo sida la sheegay ku qarxay Gaari nooca qooqanta loo yaqaan oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen gudaha suuqa baka araha gaar ahaan goobta loo yaqaan suuqa Timirta oo ku dhaw Masjidka Dawada.

Goobta uu qaraxu dhacay ayaa waxaa durbaba soo gaaray iskuna gadamay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo muddo kooban rasaas ka waday halkaa.

Illaa Hadda Ma jiro wax qasaare ah oo qaraxaasi ka dhshay,balse jugta qaraxa ayaa laga maql ay guud ahaan suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ka ag dhaw.

Mid Ka Mid ah dadka ku ganacsada goobta qaraxu ka dhacay ayaa inoo sheegay in qaraxu uu ahaa mid saarnaa gaariga Ciidanka dowladdu ay wateen.

Maamulka degmada Howlwadaag oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday ka hadalka qaraxa shalay ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

MAAMULKA BAARLAMAANKA OO SHAACIYEY XILLIGA LA DHAARINAYO XILDHIBAANADA CUSUB

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa xalay shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka cusub loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09-ka subaxnimo.

C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhib aannada in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda munaasabadda.

"si waafaqsan qodobka 66-aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer

Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada

Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka

10-aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada

Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta Akadeemiyada General Ka-ahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

DAGAALYAHANO KA TIRSAN AL-SHABAAB OO WEERAR KU QAADAY DEEGAAN HOOS YIMAADA MOMBASA

Hay’adaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xarun police oo ku taalo deegaank komboni isla markaana ay toogteen mid kamid ah kuwii weerarkaasi soo qaaday oo la sheegay in ay ka tirsaneeyeen dagaalyanada Al shabaab. Saraakiisha Ciidamada Police-ka ayaa sheegay in si dhaqso ah ula hadleen weeraryahanada isla markaana ay ka dhaga adeegeen iy ada oo la dilay mid kamdi ahaa kuwii weerarka soo qaaday halka 8 kale ay baxsadeen.

Intii lagu guda jiray weerarkan ayaa la sheegay in saddex kamid ah saraakiisha Ciidmaada pol ice-ka ay dhaawacmeen iyaga oo loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Taliyaha magaalo xeebeedka Mombasa James akoru ayaa sheegay in weeraryahanada ay ku hubeysnaayeen baangado iyo seefaf.

"Saddex ka mid ah saraakiisheena ayaa laga dhaawacay dhabarka mid kamid ahna dhaawic iisa wuu fudud yahay ka dib markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday”, said Mr Ak-oru.

AKHRISO: WARMURTIYEED KASOO BAXAY MADASHA HOGGAAMIYEYAASHA QARAN

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 15 – 24 Disembar 2016-ka. Kulanka waxaa shirguddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarl amaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Feder aalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Hirshabeele, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo iyagu si gooni ah loo casumay si aay warbixin u siiyaan MHQ.

UJEEDADA KULANKA.

1.1 Kullankani wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdiso, taarikhdu markay ahayd 7dii-8dii Disember, 2016, ujeedadiisuna tahay go’aan ka gaarista iyo dhamey stiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee golaha sharci dejinta qaranka ee 2016ka.

1.2 Muddadii kulankan socday MHQ waxay la kulantay warbixinnona ka dhegeysatay hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Danjirayaasha iyo deeq bixiyeyaasha u fadhiya wadamooda Somalia ee uu hogaaminaayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, GFHDD oo uu hogaamin aayey guddomiyahooda, Mudane, Avv Cumar Maxamuud Cabdulle, Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo isna uu hoggaminaayey guddomiyaha guddiga, Mudane Abririzaq Barre Jamac.

1.3 MHQ waxa ay sidoo kale waqti siisay xallinta saami qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka Soomaliyeed.

1.4 Muddadii uu kulanka socday MHQ waxa ay si qotto dheer uga hadashay wax ka qabadka abaaraha dalka soo food saarey.

Dhageysiga warbixinnada guddiyada loo xil saaray fullinta dooroshooyinka dadban.

2.1 Madasha waxay kulamo dhowr ah la yeelatay Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyin ka Dadban (GFHDD) ugana xog waramay heerka howlihiisa marayaan iyo natiijooyinka ka soo hoyday degaan doorashooyinka dalka oo dhan. Ka dib markii MHQ iyo GFHDD ay si qotto uga wada xaajoo deen arrimaha uu soo bandhigay guddiga islana meel dhigeen, madaxda madashu waxay ammaan iyo bogaadin u jeediyeen guddiga sida wacan uu u fuliyey xilkaan qarameed ee loo xil saaray iyadoo la ogsoon yahay in ay ku shaqaynaayeen daruufo aad u adag.

2.2 MHQ waxay guddiga ka codsatay in kuraasta dooroshooyinkooda dhimman yahiin in aay degdeg u soo afjaraan.

Dhageysiga warbaxinnada GXKHDD.

3.1 MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda aay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dhe er isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.

3.2 Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.

3.3 MHQ iyo Guddiga waxay markaas ka dib wadajir uga baaraangdegeen nuxurka dacwooyin ka 11 ka kursi guddigu dib u celiyey. Isu xogwaran ka dib Madashu:

Waxaa u soo ifbaxay xowliga degdegga ah ay ku socoto hirgelinta doorashada in dhageysiga iyo ka gungaaridda dacwadaha guddigu u helin muddo ku filan oo waqti xadidan lagu dhameystirayo;

Waxa soo ifbaxay in haddii Guddigu haysan lahaa xogta iyo macluumadka dheeriga ah ee lagu helay iswareysiga MHQ iyo guddigu is dhaafsadeen in go’aanka guddigu uu ka duwanaan lahaa mid ka ay hadda gaareen.

Waxaa si cad u muuqatay in marxaladda go’aan ka gaarista guddigu la tixgelenin xaaladaha amniga, siyaasadda ku xeernaa kursi kasta iyo duruufaha degaandoorasho walba u gaarka ahaa.

Waxa iyana jirta in go’aanada iyo qaabka go’aan gaaridda guddiyada dooroshooyinka dadban ay ku kala duwan yihiin.

3.4 Haddaba, Madashu:

Ayaadoo tixgelisay macluumaadka dheeriga ah ee kor ku xusan haddii guddigu haysan lahaa u gaari lahaa go’aan ka duwan midka ay kursiga dib ugu celiyeen;

Garwaaqsatay in ay danta ku jirto in la yareeyo khilaaf iyo is qabqabsi hor leh ka dhalan kara ku noqoshada naatijada doorashada;

Tixgelisay daruufihii adkaa ee doorashada loo soo maray iyo in la dhowraariyo guuliha qaranka ka gaaray doorashooyinka 2016ka ee laga fuliyey dalka;

Fiiro gaar ah u yeelatay dhibaatada guud ee ku iman karta, dib u dhac iyo xasilooni darro ku tim aada habsami u socodka dhameystiridda doorashooyinka qaran.

3.5 Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

In in kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib u eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeri ga ahaa ee kusoo ifbaxay xog is dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka;

In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka;

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khil aafaadka waxaa laga codsanaya inay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystir aan hawlaha doorashoyinka weli ka dhiman oo mid walba hor yaal.

Dib u eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhi yo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxa ana loo qaybiyey sida soo socota:

MAGACA———TIRADA KURAASTA HORE—-TIRADE KURAASTA LA KORDHIYEY—WADARTA

1. Somaliland——–11 kursi————– 3 kursi—————————-14 kursi

2. Puntland———- 11 kursi————— 3 kursi—————————-14 kursi

3. Galmudug——– 8 kursi—————-- 3 kursi—————————-11 kursi

4. Hirshabeelle—– 8 kursi—————- 3 kursi—————————-11 kursi

5. K/Galbeed——- 8 kursi—————- 3 kursi —————————-11 kursi

6. Jubbaland——- 8 kursi————— -3 kursi—————————–11 kursi

WADART————–54——————– 18————————————72

4.3 Sidded iyo tabanka Kursi ee la kordhiyey waxaa soo magacabaya Madaxweynayaasha Dawlad aha Goboleedyada, waxaana Xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha Jumhuriyadda Feder aalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha MHQ.

4.4 Madaxda Madasha Qaranku waxay soo dhoweynaysaa baaqa siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobol lada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ee la xiriira in hay’adaha dawladda ee dhismaya 2016-2020 xil weyn iska saaraan oo mudnaanta koowaad la siiyo ka miro dhalinta wadahadalada u socda Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyo in laga wada xaajoodo saami qaybsiga awoodaha siyaasadeed.

4.5 Saddaxda kursi ee loo kordhiyey Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland waxaa soo ma gacaabaya R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo la tashaday Odayaasha Dhaqanka Beelaha Samaroon, Ciise iyo Fiqi-Shinni.

4.6 Madaxweynayaash Dawladaha Goboleedyada iyo R/Wasaare ku-Xigeenkuba waa in ay xubnaha ay soo magacaabeen usoo gudbinaya Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu dambayn 28 Diseembar 2016.

4.7 Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban iyo Guddiga Fulinta Doorashooada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaaliland waxaa la faraya in ay si degdeg ah u dhammaystiraan ugu dambaym 30-ka Diseembar 2016.

Xilhaynta Guddiyada Doorashooyinka Dadban

5.1 Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Heer Dawlado Goboleed iyo Gudd iga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo mudda xilhayntooda ku ekeyd 31.12.2016 waxaa xilhayn tooda loo kordhiyey ilaa iyo inta ay kasoo gebageboobeyso kuraasta ka dhiman doorashoyinka Dadb an ee Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Xaaladda Abaaraha Dalka soo foodsaaray

6,1 MHQ waxay si qottadheer u darseen xaaladda abaaraha dalka soo foodsaaray oo durba da dka iyo duunyada saamaysay, loona baahan yahay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad iyo ka hort agga abaaraha.

6.2 Deseembar 18, 2016 MHQ waxay hay’adaha dawladda ku hawl leh ka hortagga aafooyinka dabii ciga ka dhegeysatay warbixin ku saabsan xaaladaha iyo ilaa heerka ay abaartu dalka saamaysay. MHQ waxay haddiiba:

(a) Magacaaday oo dhistay Guddiga Farsamo oo loo xilsaaray Gurmadka iyo ka hortagga abaaraha oo si degdeg ah u hawlgala, xubnihiisuna ka koban: Xafiiska Madaxweynaha, Xafiska Ra’iisul Wasa araha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalaynta, Xafiiska ka hortagga iyo Maareynta Masiibo oyinka iyo xubno ka socda dhammaan maamul goboleedyada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federalka Somaliya.

(b) In Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaheeda dowlad goboleedyada ay hormuud ka noqdaan isku tashi ummadeed iyo in la abaabulo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qurba joogta Soomaa liyeed, si ay ugu gurmadaan walaalahooga abaartu saamaysay.

(c) Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha goboleed ee Xubin ka ah Fed eraalka Soomaaliya waxay wadajir 21-kii Deseembar 2016 baaq gurmad degdeg ah ugu jeediyeen dhammaan Danjirayaasha dalalkooda ku mattala Soomaaliya, dalalka aan walaalaha nahay, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka Caalamiga ahba laga codsaday inay in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan gobollada dalka abaaruhu saameeyeen lasoo gaaraan kaalin muuqatana ka geystaan.

Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

7.1 MHQ waxay go’aamisay in munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto maalinta talaadada 27 Diseembar 2016, taas oo ka dhici doonto Akademiyada Booliska Soomaaliyeed (Scuola Polizia).

Mahadcelin.

8.1 MHQ waxay mahadnaq u jeedineysa dhammaan Maamullada Dawladaha Goboleed ee xub naha ka ah Federaalka Soomaaliya sida habsamida xilkasnimada leh ay Magaalo Madaxyadooda uga suurtogeliyeen una fuliyey qabashada doorashooyinka dadban ee 2016 si naba iyo xasilloni ku dhe exan.

8,2 Waxay kaloo si gaar ah ugu mahad iyo bogaadin u jeedinayaan dhammaan xubnaha Gudd iga Doorashooyinka Dadban ee Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiyada Doorashooy inka Heer Dawalad Goboleed sida wacan ay xilkooda qarameed u fuliyeen, hawlaha doorashooyink ana u maamuleed si mihnadyahannimo ku dheehan.

8.3 MHQ waxay gallad iyo qaddarin iyo mahadcelin gaar ah u jeedineysa dhammaan Ciidamm ada Qalabka-Sida sida hufan oo waddanimada ku dheehan ay amniga doorashooyinka qaranka u sug een ayagoo weliba duruufo adag ku shaqaynayey. Waxay sidoo kale Madashu mahad iyo bogaadin u jeedineysa dadweynaha Soomaliya guud ahaan iyo odayaal dhaqameedka bulshada Soomaaliyeed iyo ergooyinka doorashooyinka dadban oo ka wakiilka ahaa dadweynaha soomaaliyeed.

8.4 Gunaanadkii, Madasho waxay Beesha Caalamka, oo uu hoggaaminaayey Wakiilka Xogha yaha Guud ee Qaramada Midoobay M.ne Michael Keating, ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah iyo talooyinka siyaasadeed iyo farsamo oo ay had iyo jeer la garabtaagan yihiin Dawladda Sooma aliya. --DHAMMAAD—

BOGGGA CAYAARAHA

MOURINHO OO CADEEYAY SADDEXDA CIYAARYAHAN EE KA TAGAYA KOOXDIISA BISHA JANUARY

Jose Mourinho ayaa qirtay in ay tahay cadaalad haddii uu kooxdiisa u ogolaado in ay ka tagaan ciyaartoyda Manchester United aan ku heysan fursad ay ugu ciya-araan. Ciyaartoyda Memphis De pay iyo Morgan Schnei-derlin ayaa xilli ciyaareedkan heysan fursad ay ugu ciy-aaraan kooxda, waxa ana ay u badan tahay inn ay dhaq-aaqaan bisha January.

Sidookale Ashley Young ayaa ku jira ciyaartooyda suuqa laga doonayo, waxaana uu heystaa ciyaryahankii hore ee Aston Villa dalab lix koox ah.

Dhamaan seddexda ciyaaryahan ayaa lala xiriir-inaayaa inay ka tagayaan kooxda Bisha January Everton ayaa indhaha ku heysa saxiixa Depay iyo Schneiderlin, halka Young kooxdiisa hore ee Watford dalab uu ka hey-sto. Mourinho ayaa u sheegay Sky Sports News inuu u ogolyahay dha maan ciyaartooydaan in ay ka tagaan koox-da marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

JUVENTUS OO KA HADASHAY DHAAWACA ALEX SANDRO

Kooxda Juventus ayaa ka hadashay dhaawaca da-afacooda reer Brazil ee Alex Sandro kaas oo ku dhaa-wa-cmay kulankii habeen hore .

Alex Sandro ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee kulankii habeen hore ay guul daradu ka soo gaartay kooxdiisa kooxda AC.Milan oo gool ku laad uga adkaatay. Football Italia ayaa baahis ay in 25 jirkaan uu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan 2 ilaa 3-isbuuc kadib dhaawac habeen hore ka soo gaaray dhanka muruqa.

"Kadib markii uu ka baxay garoonka qaybtii hore ee kulankii Jimcaha ee Final-ka Super Cup-ka, baaritaankii ugu horeeyay ee lagu sameeyay Alex Sandro ayaa lagu ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruqa bowdada midig” ayaa lagu yiri war ka soo baxay kooxda Juventus.

"La socoshada xaalada daafaca reer Brazil waa mid sii socon doonta maalmaha nagu soo aadan” ayaa lagu daray warbixinta dhaawaca laacibka.

BAYERN MUNICH OO U MUUQATA MID CHELSEA UGA ADKAATAY SAXIIXA NIKLAS SULE

Kooxda Bayern Munich ee dalka jarmalka ayaa u muuqata mid Chelsea uga adkaatay saxiixa Niklas Sule sida ay baahisay Bild.

21 jirkaan daafaca uga ciyaara kooxda Hoffenheim ee Niklas Sule ayaa diirada u saaran kooxo ay hormuud u yihiin Chelsea iyo Bayern Munich.

Laakiin kooxda Bayern Munich ayaa la sheegay inay Hoffenheim kala heshiisay iibka daafacaan da’yarka ah taas oo meesha ka saaraysa xiisihii Chelsea.

Wararka ayaa intaa ku daraya in heshiiska dhexmaray Bayern Munich iyo Hoffenheim uu yahay mid hirgalaya dhamaadka xiliciyaareed kan, markaas oo Niklas Sule uu si rasmi ah ugu biiri doono kooxda macalin Ancelotti.

Chelsea ayaa qorshaynaysay inay dalab rasmi ah ka gudbiso Niklas Sule suuqa janaayo laakiin rajadooda ayaa u muuqata mid soo idlaatay.

BARCELONA OO KU DHAW SAXIIXA JOAO CANCELO ….

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Valencia ee Joao Cancelo sida uu baahiyay wargayska Sport.

Barcelona ayaa u aragta laacibkaan reer Portugal badalkii ku haboonaa ee Dani Alves kadib markii Vidal uu ku fashilmay inuu buuxiyo booskaas.

Wargayska ayaa intaa ku daray inuu jiro heshiis afka ah oo dhexmaray Joao Cancelo iyo kooxda Barcelona kaas oo ah inuu u saxiixo heshiis 5 sano ah.

Maamulka Barcelona ayaa ku kalsoon in 22 jirkaan uu u qalmo qiimaha ay ku doonayso koo xdiisa oo ah 30 milyan oo euro, Barcelona ayaana si hoose u waday wadahadalada saxiixa daafacaan isbuucyadii la soo dhaafay.

Wakiilka Joao Cancelo ayaa doonayay in laacibku uu ku biiro Barcelona suuqa kala iibsiga ee janaayo balse ma jiro ilaa haatan heshiis dhexmaray Valencia iyo Barcelona taas oo ka dhigaysa in saxiixiisa la dhamaystiro dhamaadka xiliciyaareed kan.

Joao Cancelo ayaa sidoo kale diirada u saaran Chelsea iyo Bayern Munich oo dhankooda xiis aynaya saxiixiisa.

LABA QOF OO XALAY LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in xalay laba qof oo middi uu shacab yahay lagu dilay magaaladaasi, halka midka kalana uu ka tirsanaa Ciidanka Hay’adda Nab ad Suggida.

Labadan qof, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Farmashiye Lafoole, oo ku dhow Suuqa Wayn ee Degmada Wadajir, iyadoo ay dadkaasi dileen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Ragga dilka gaystay oo tiradoodu lagu sheegay laba nin, ayaa rasaas qaarka kore kaga dhuf tay labadaasi qof, iyagoona horey goobtaasi uga qaatay qorigii uu watay askariga.

Goobjooge, ayaa sheegay in dembiile-yaasha ay dilka ka dib ka baxsadeen goobtaasi, xilli ay horey u sii qaateen qori AK47, oo uu askarigu watay.

Goobjoogaha, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ninka rayidka ah ee la dilay uu la socday aska riga ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida.

Dhanka kale ciidamada ammaanka oo tagey halka uu dilku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal ku aadan dembiile-yaasha, waxaana la soo sheegaya in tiro dad ihi ay gacanta ku soo dhigeen.

Maamulka Degmada Wadajir iyo laamaha amniga, ayaan weli wax war ah ka soo saarin labada qof ee xalay lagu dilay Degmadaasi.

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip