Batuullo Sh. Axmed Gaballe: "Ragga boobay kuraasta dumarka hasoo xirtaan Dirac, Garbo-saar, Rajastiin iyo Gorgorad haddii kale...." -VIDEO

0
Saturday December 24, 2016 - 14:55:04 in Wararka by
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Batuullo Sh. Axmed Gaballe: "Ragga boobay kuraasta dumarka hasoo xirtaan Dirac, Garbo-saar, Rajastiin iyo Gorgorad haddii kale...." -VIDEO

    Waa imisa kuraasta haweenka uga maqan maamul goboleedyada? Sabti, 24 December 2016 (HOL)- Haweenka Soomaaliyeed oo shir ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay uga soo horjeesteen kuraas ay dumarka lahaayeen oo maamul goboleedyada rag k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa imisa kuraasta haweenka uga maqan maamul goboleedyada? Sabti, 24 December 2016 (HOL)- Haweenka Soomaaliyeed oo shir ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay uga soo horjeesteen kuraas ay dumarka lahaayeen oo maamul goboleedyada rag ka siiyeen, waxayna arrintaas ku tilmaameen mid caddaalad darro ah oo aaney aqbali karin.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gaballe oo dadkii ka hadlay shirka ugu hadalka kululeyd ayaa sheegtay in ay arrintaas aqbali karaan oo kaliya marka ragga kuraastooda qaatay ay ku soo labistaan Dirac, Gabo-saar iyo Gorgoro.

"Kursi gabar ay leedahay ninka boobay hallooga tacsiyeeyo oo la hala yiraahdo kursigan gabar ayaa iska leh ama Dirac, Gabasaar, Gorgorad, Rajastiin iyo Garbasaar hasoo xirto”ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Batuulo ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay ku maqan yihiin xubno ay saxiixeen madasha hoggaamiyayaasha, waxayna ku celcelisay in ay kuraastaas sugayaan. "Koofur Galbeed waxaa ku maqan 5 kursi, Puntland 4 kursi, Galmudug 2 xubnood, Hirshabeelle 1 xubin iyo Jubbaland oo ay ku maqan tahay 1 xubin”ayay tiri Batuulo Axmed Gaballe.

Shirkan ayaa wuxuu ahaa mid haweenka ay uga cabanayeen tacaddiga lagu sammeeyay kootadoodii ay qeyb ahaanta u heleen, si gaar ahna waxay ugu taageerayeen Caasho Xaaji Cilmi oosida shirka laga sheegay laga musuqmaasuqay kursi iyada loo soo xulay.



HOOS KA DAAWO


 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

xigasho:-hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip