Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Janaale

0
Tuesday September 01, 2015 - 07:35:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Janaale

    September 1 (mogtimes)— Al-Shabaab ayaa saaka salaadii subax kadib weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

September 1 (mogtimes)— Al-Shabaab ayaa saaka salaadii subax kadib weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan ayaa ku bilowday qaraxyo waa weyn, iyadoo rasaas xoogan ay daba socotay, waxaana dadka deegaanka Janaale ay sheegayaan in iska hor imaadka uu ahaa mid aad u xooganaa.

Illaa iyo hadda faah faahin rasmi ah lagama haayo weerarkan, hase ahaatee dadka deegaanka Janaale ayaa sheegaya in dadka ay ku soo tooseen qaraxyada iyo rasaasta dhaceysay ilaa goor sii horeysay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gudaha loo galay xeradaas, balse wali ma cada, waxaana adag in la helo warar sugan oo ku saabsan weerarkaas.


Weerarkan ayaa u qaab ek weerarkii horaantii bishii Ramadaan lagu qaaday saldhig Ciidamada AMISOM, gaar ahaan ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Leego, halkaasoo Al-Shabaab ku dishay in ka badan 50-askari.

Weerarka saaka lagu qaaday saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Janaale ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddo sanad ka soo wareegatay geeridii Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr oo duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay meel ku dhow Baraawe lagu dilay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip