WIIL AY KA GO'AN TAHAY INUU ISKA BAREEJEEYO {BAR-BAREEYO} AABBIHIIS.{RA'YI}

0
Thursday December 15, 2016 - 14:49:54 in Maqaallo by
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WIIL AY KA GO'AN TAHAY INUU ISKA BAREEJEEYO {BAR-BAREEYO} AABBIHIIS.{RA'YI}

    Ruclo orod, dadaal iyo xusul duub aad u balaaran ayuu ku jiraa, ma nasto har iyo habeen shaqo ayuu hayaa, halgan aan kala go' lahayn ayuu wadaa, socdaalo uu isaga kala gooshayo Dalka gudahiisa iyo dibaddisa ayuu ku hawlan yahay, xod-xodasho, bal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruclo orod, dadaal iyo xusul duub aad u balaaran ayuu ku jiraa, ma nasto har iyo habeen shaqo ayuu hayaa, halgan aan kala go' lahayn ayuu wadaa, socdaalo uu isaga kala gooshayo Dalka gudahiisa iyo dibaddisa ayuu ku hawlan yahay, xod-xodasho, balan-qaad iyo dhaqaale ayuu u adeegsanayaa ololaha doorashadiisa, rajadiisu aad bay u sareysaa, hamigiisu waa sidii uu Wadanka Madaxweyne uga noqon lahaa.
Tirsi ahaanwuxuu ku jiraa Siyasiyiinta waalidkood uu madax ka soo noqday Dalka Soomaaliya, fursad wuxuu u helay inuu labba {2} jeer Ra’iisul Wasaare ka soo noqdo Soomaaliya, haatan Cumar Cabdi Rashiid waa Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la rumaysan yahay inuu ka haysto taageero balaaran, safaro isku xig-xiga ayuu Wadankaasi ku tagey, dhaqaale aad u fara badan ayaa la filayaa Imaaraadka Carabta inuu ku bixiyo sidii uu Cumar Cabdi rashiid xilka ugala wareegi lahaa Madaxweyne Xasan Sheikh.

Qiyaas la sameeyay ayaa tilmaamaysa inuu Cumar C/rashiid haysto inta badan Xildhibaanada labbada aqal, cel celis ahaan waxaa la aaminsan yahay inuu musharaxaasi milkiyay codadka Xildhibaanada Puntland oo uu isagu ka soo jeedo, sidoo kale wuxuu kalsooni badan ku qabaa inuu urursan doono idil ahaan codadka Xildhibaanda Jubbaland iyo qaar ka mid ah codadka Mudanayaasha K/Galbeed, Galmudug, iyo kuwa beesha Shanaad, xubno ka tirsan dadka ololahiisa gacanta ku haya ayaa laga soo xigtay in Xildhibaankiiba ay u qorsheeyeen in codkiisa uu dhaafsado Boqolaal kun oo Doolar.

Saadaasha iminka la bixinayo ayaa ifinaysa in Cumar Cabdi rashiid ay u badan tahay inuu ku soo baxo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya, haddii uu siyaasigasi ku guuleysto xilkaan wuxuu noqonayaa WIILKII AABBIIS ISKA BAREEJEEYEY (BAR-BAREEYAY), taariiq ahaan Cumar aabihiis oo ahaa Cabdi Rashiid Cali Sharma-arke wuxuu soo noqdey Ra’iisul Wasaare markii xigana Madaxweyne.

Haddaba suura gal ma tahay in Cumar uu xilligaan ku soo baxo Madaxweyne sidaasna uu kula mid noqdo aabihiis? Fadlan nagu biiri Ra’yigaag adigoo cabiraya waxay arintaan kula tahay.-

WD: C/laahi  Axmed Xasan {Shiikhaalow}




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip