XASUUQA AADANAHA, MISE XUQUUQDA AADANAHA!!?

0
Tuesday December 13, 2016 - 11:42:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XASUUQA AADANAHA, MISE XUQUUQDA AADANAHA!!?

    Guud ahaan caalamka waxaa sanadkasta bisha 11-aad 25 keed laga muujiyaa xuska maalmaha loogu tallagalay yareeynta ama joojinta tacadiyada ka dhan ah bani'aadamka, siiba dumarka & cauurta, iyadoo 10 bisha Disembar loo sameeyo munaasabad weyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan caalamka waxaa sanadkasta bisha 11-aad 25 keed laga muujiyaa xuska maalmaha loogu tallagalay yareeynta ama joojinta tacadiyada ka dhan ah bani'aadamka, siiba dumarka & cauurta, iyadoo 10 bisha Disembar loo sameeyo munaasabad weyn oo lagu soo gaba gabeeynayo maalmahaas loogu magac daray (16 days activism)

Hadaba maxay tahay dhowrista xuquuqda aadanaha? Xuquuqda aadanuhu waa baaq caalami ah oo adduunka oo dhan laga tixgeliyo waana udub-dhexaadka nabad waarta iyo horumar ka hirgala Adduunka. In la garowsado sinnaanta shaqooyinka loo siman yahay, Sed-bursi la,aanta iyo xuquuqda lama taabtaanka ah ee dhammaan xubnaha qoyska baniaadanka, waana wax ay xoriyadda, caddaaladda iyo nabaddu ku tiirsanyihiin hadii si dhab ah loo hirgaliyo.

Intaas ka dib waxaa jirtay maalmihii lagu guda jiray maalmaha dhowrida xuquuqda aadanaha in ay dhacday ku xadgudabyo xuquuqda aadanaha taasoo aheyd 26 November sanadkan 2016 inuu qarax ka dhacay suuqa beerta kaasoo wax yeello ba’an u geeystay dad shacab ah oo hadana ahaa kuwii ugu liitay nolol ahaan goobta oo ahayd meel suuqa ah awgeed.

Maadaama dadkaasi u badnaa dad ray’id ah hadana waxaa jirtay qof haweeney ah oo ka mid ahayd dadkii meesha ku ganacsanayay oo ku lahayd meel qudaarta lagu iibiyo inay ka mid noqotay dadkii sida arxandarada ugu qurbaxay goobtaasi.

Haweeneydaasi waxay u dhaqdhaqaaqeysay Hooyadeed oo Waayeel ah iyo caruur yar, si murugo leh ayey u aasteen iyadoo laba cad ah, noloshoodina tiiraanyo ayey gashay qoyskii ay u shaqeynaysay madaama ay iyada ku tiirsanaayeen.

Iyagoo weli samir ku jiray oo wali aan quusan ayaa hadana waxaa dhacday isla isbuucii dhowrida xuquuqda aadanaha iyadoo lagu jiray in ay Gabar kale oo iyadana ka mid ahayd qaraabada qoyskaasi oo iyada markaasi isku xilqaantay in ay reerkii masiibada ku dhacday ay caawiso ay iyana ka mid noqotay dadkii ku la’day qaraxii subax nimadii Axada ee 11 disembar 2016 ka dhacay afaafka hore ee dekedda.

Gabadhan ayaa iyana shaah ku iibineysay meel geed hoostiisa ah oo raga xamaaliga ah ay ka iibsan jirtay, waana arinta igu kaliftay qoridda qoraalkan XASUUQA AADANAHA waxaa jira qodob ka mid ah qodoba buuga baaqa caallamiga uu qoro kaasoo ah:- Qodobka 3aad Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo. Inkastoo baaqan uu yahay mid caalami ah oo Muslim & Gaalba ka dhaxeeyo, hadana anaga Islaam Ahaan diinteena waa mid waafaqsan oo sax ah qodobkan.

Marka la is bar bar dhigo labada qarax waxba kalma duwaneen waana isku qasaare wallow la sheegay in qaraxan danbe ee dekedda iridkeedda uu ka badnaa qasaaraha. Waliba waxaa jiray dad badan oo isku qoys ahaa oo hal meel ku wada ganacsanayay ineey meeel ku wada dhinteen, sida hooyo & laba gabdhood oo ay dhashay, Aabe & wiilashiisa, dad kaloo qaraabo ahaa hal meeel ku wada shaahayay.

Maadaama Sanadkaan Xuska aaadanaha halku dhigiisu ahaa "Maanta u istaag Xuquuqda Qof kale” ayaan isu abaabulay inaan qormadan muragada leh idiinla wadaago, anoo u istaagayo xuquuq qof kale.

Hadaba soo lama dhihi karo Sanadkan Xuskii Xuquuqda Aadaaha waxa uu ahaa Xuskii Xasuuqa Aadanaha?

W/Q Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)


Mogadishu- Somalia
Email asaddhayow@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip