LVG Oo Difaacay Go'aankii Uu Ku Bedelay Anthony Martial Inkastoo Ay Ku Ooriyeen Jamaahiirta Man United.

0
Wednesday November 04, 2015 - 12:29:30 in Sports News by
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LVG Oo Difaacay Go'aankii Uu Ku Bedelay Anthony Martial Inkastoo Ay Ku Ooriyeen Jamaahiirta Man United.

    Louis van Gaal ayaa sheegay in goolkii guusha uu dhaliyay Wayne Rooney inay soo bandhigtay inuu saxnaa ka dib markii taageerayaasha Man United ay ku soo jeesteen tababarahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa sheegay in goolkii guusha uu dhaliyay Wayne Rooney inay soo bandhigtay inuu saxnaa ka dib markii taageerayaasha Man United ay ku soo jeesteen tababarahooda.

Taageerayaasha ayaa ku ooriyay goa’aankii Van Gaal uu ku bedelay Anthony Martial iyagoo ku heesayay "Attack, attack, attack!” (weerar, weerar, weerar!) iyadoo dareenka garoonka Old Trafford uu kacsanaa.

Rooney ayaase badbaadiyay Van Gaal daqiiqadii 79aad markii uu soo gabagabeeyay 404 daqiiqadood oo gool la’aan aheyd, waxaana uu xaqiijiay inaysan markii afaraad barbaro goolal la’aan ah gelin.

Manchester-United-vs-CSKA-Moscow-Champions-League-group-stage
Van Gaal ayaase ka jawaab bixiyay oorinta isagoo sheegay in go’aankiisii uu ku bedelay Martial islamarkaana uu Rooney afka hore ku geeyay inay cadaadatay inuu saxnaa, iyadoo kabtanka United uu goolka guusha dhaliyay.

Manchester-United-FC-v-PFC-CSKA-Moskva-UEFA-Champions-League

Markii la weydiiyay haddii uu maqlay oorinta daqiiqadii 66aad, Van Gaal ayaa yiri: "Dabcan waan maqlay, ma ahi dhagoole.

"Taasi waa fekerka taageerayaasha laakiin ka dib markaas, kama niyad xuma go’aankii uu sameeyay tababarahooda.

"Wayne waa inuu mar walba ciyaarta gacan ka geysto. Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waxaan mar kale geeyay booska gooldhaliyaha, gool ayuuna dhaliyay.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay natiijada iyo inaan ugu sareyno group-keena.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip