Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Dr. Beyle oo ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose

0
Tuesday December 06, 2016 - 19:42:24 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Dr. Beyle oo ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Kursigan ayaa ahaa kii labaad ee kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee doorashadooda ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Dr. Beyle oo la tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay 48, halka Abiib uu helay 2 cod, waxaa xumaaday hal cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo goob joog ka ahaa doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo cadeeyay in Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gadabuursi ee degta Gobolada Waqooyi, gaar ahaan magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii la riday ee C/wali Sheekh Axmed, waxaa uu dhowaanahan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Africa ee xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.

Waa Khabiir ku xeel dheer xaga dhaqaalaha, waxaa uu in ka badan 30 sano ka badan ka shaqeynayay horumarinta dhaqaalaha Afrika, waxaa lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay marti gelintii shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ee horaantii sanadkii 2015 lagu qabtay Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip