Obama oo ka war bixiyay howlgalladii ay Dowladdiisu ka fulisay Sanadkan Soomaaliya

0
Tuesday December 06, 2016 - 18:45:58 in Wararka by
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo ka war bixiyay howlgalladii ay Dowladdiisu ka fulisay Sanadkan Soomaaliya

    Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Waddanka Maraykanka Brack Xuseen Obama ayaa Warqad uu udiray Golaha Wakiilladda Dalkiisa waxaa uu uga Warbixiyay howl galladda Ciidamadiisu ay ka sameeyeen Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Waddanka Maraykanka Brack Xuseen Obama ayaa Warqad uu udiray Golaha Wakiilladda Dalkiisa waxaa uu uga Warbixiyay howl galladda Ciidamadiisu ay ka sameeyeen Caalamka.

Dalalka uu qoraalkiisa ku sheegay Madaxweyne Obama ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya,isagoo ku nuux-nuuxsaday inay sii wadayaan la dagaallanka Argagixisada,kana hor tagaan Khatarta kooxaha ku xiran Al-Qaacidda ee Al-Shabaab,kuwaasoo uu fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Obama ayaa sheegay inay Ciidamadoodu la taliyaan, caawiyaan, mararka qaarna ay ku lammaan yihiin Ciidamada Dowladda Soomalia iyo kuwa AMISOM inta ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Brack Obama ayaa sheegay inay weerarro xagga Hawada ah fuliyeen iyagoo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Amisom, iyadoo ay Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku geysteen Sanadkan 2016-ka oo keliya Lix weerar oo kala dhacay 21-kii June, 20-kii iyo 31-July, 31-kii August,25-kii iyo 28-kii September.

Qoraalkan oo aad u dheeraa ayaanan lagu faah-faahin meelaha ay weerarradani ka dheceen, cidda lala beegsaday iyo duullaamadii xagga Cirka ahaa ee ay Maraykanku qaadeen wixii ka horreeyay Sanadkan 2016-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip