ICRC oo warbixin kusaabsan jirdilka soo saartay

0
Tuesday December 06, 2016 - 10:49:38 in Wararka by
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ICRC oo warbixin kusaabsan jirdilka soo saartay

    Hayada samafalka ee ICRC sidoo kalena loo yaqaano Laanqeyrta Cas ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan jirdilka loo geysto dadka dalal badan taasoo xogteeda laga soo kala uruurshay dalal badan oo colaado ka jiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayada samafalka ee ICRC sidoo kalena loo yaqaano Laanqeyrta Cas ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan jirdilka loo geysto dadka dalal badan taasoo xogteeda laga soo kala uruurshay dalal badan oo colaado ka jiraan.
Shir lagu soo bandhigaayay warbixnta ayaa lagu qabtay Nairobi caasimada Kenya kaasoo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socday hayadaha samafalka iyo bahda saxaafada. Shirkaa ayaa ka dhacay xafiiska ICRC ee magaalada Nairobi, waa xafiiska ICRC ee arimaha Soomaaliya qaabilsan.
Agaasime-ku-xigeenka ICRC u qaabilsan arimaha Afrika, Patrick Youssef ayaa soo jeediyay qodobo kookooban oo kusaabsan warbixinta kuwaasoo ahaa nuxurka warbixinta.



'Talobixino kusaabsan sidii ay wax uga baddali lahaayeen darafyada colaadaha kulugta leh maahan waxa diirada lagu saaray balse in la ogaado heerka jirdilka ee dalalka colaaduhu saameeyeen', ayuu yiri Patrick Youssef asagoo ka jawaabayay su'aal bahda saxaafada ee Hiiraan Online ay weydiisay kuna saabsanayd ilaa xad inta heerka dadaalka ICRC uu dhan yahay si wixii talo bixino ah oo ay soo jeediso aan marfashka loogu halmaamin baddalkii la hirgalin lahaa.

Warbixinta ayaa waxaa kujirta xog laga soo uruurshay 17,000 oo qof oo kunool 16 dal oo caalamka ah oo ay kujraan Koofur Suudaan iyo Nigeria, Yemen, Suuriya, Ciraaq, iyo Afghanistan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip