C/xakiin Macalin Axmed oo ku guuleystay Kursiga Aqalka hoose, kadib Doorasho Cadaado ka dhacday (SAWIRRO)

0
Tuesday December 06, 2016 - 10:14:00 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/xakiin Macalin Axmed oo ku guuleystay Kursiga Aqalka hoose, kadib Doorasho Cadaado ka dhacday (SAWIRRO)

    Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in C/xakiin Macalin Axmed uu ku guuleystay Doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in C/xakiin Macalin Axmed uu ku guuleystay Doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.

C/xakiin ayaa waxaa la tartamaayay Musharaxiin gaaraysa 5, balse afar ka mid ah goobta ayeey ka maqnaayeen, halka Musharaxa kale uu joogay.

Shukri Cabdi Faarax oo la tartameysay C/xakiin Macalin Axmed, ayaa heshay codad gaaraya 5 cod, halka C/xakiin uu helay codad gaaraya 40 cod.

Ergada Codeynaysay ayaa waxaa ay ahaayeen 45 Ergo oo Doorashada lagu galay, waxaana meesha ka maqnaa Ergo gaareysa 6.

Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug, ayaa ku dhawaaqay C/xakiin Macalin Axmed inuu ku guuleystay Kursiga 31 ee Xubnaha Aqalka hoose ee deeganada Galmudug.

Waxa uu ka soo jeeda C/xakiin Beesha Ceyr/Bari, sidaasina ayuu ugu soo baxay Doorashada saaka ka dhacday Magaalada Cadaado.

cadaado-1cadaado-2cadaado-3cadaado-4





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip