Micheal Keating "Kama niyad jabeyno doorashada haddii ay gaarto 2017, balse yey dhicin"

0
Tuesday December 06, 2016 - 10:10:12 in Wararka by
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Micheal Keating "Kama niyad jabeyno doorashada haddii ay gaarto 2017, balse yey dhicin"

    Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka, isaga oo ka digay dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka, isaga oo ka digay dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada.

Micheal Keating, ayaa soo jeediyay digniin ah in sanadka cusub aysan gaarin doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, maadaama marar badan dib u dhac uu ku yimid doorashada sanadkaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay inay haboon tahay doorashada inay dhacdo ka hor sanadka cusub ee 2017.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in si dhaqso ah loo xaliyo tabashada maamulka Puntland uu ka qabo doorashada xildhibaanada aqalka sare ee gobolada waqooyi taasi oo uu ku tilmaamay inay dib u dhac kale keeni karto.

Dhinaca kale wuxuu si dadban u sheegay in beesha caalamka aysan ka niyad jabi doonin doorashada haddi ay gaarto sanadka cusub ee 2017.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay saxiixaan xildhibaanada lasoo dhameystiray si ay doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka ugu gudbaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip