Markab Si Sharcidarro ah Uga kalluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya oo La Qabtay+Sawirro

0
Monday December 05, 2016 - 23:57:05 in Wararka by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Si Sharcidarro ah Uga kalluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya oo La Qabtay+Sawirro

    Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa shaacisay in Ciidamada Badda Soomaliya ay gacanta ku dhigeen markab si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa shaacisay in Ciidamada Badda Soomaliya ay gacanta ku dhigeen markab si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda F. Soomaaliya Siciid Jaamac Maxamed Qaalib oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markabkaan uu kaluumaysi sharcidaro ah uu ka waday xeebaha dalka Soomaliya.

Wuxuu sheegay Siciid Jaamac Maxamed Qaalib in Wasaaradu kaluumaysiga iyo qeybraadka badda Xukuumadda Soomaliya ay ku biirtay Ururro Caalami ah oo ka dhisan ilaa iyo 8 dal oo iska kaashanaya la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee xeebaha.

Wuxuu intaasi ku daray in Markabkan uu isku dayay in uu Cumaan galo, marka uu ku arkay in uu qoraal ka yaallo uu socon waayo, isagoo intaasi sii raaciyaay in ciidamo la’aan ay ku guuleysteen qabashada markabkani, kaasi oo siday Kalluun gaaraya ilaa 30 Tan waxaana lagu ganaaxay lacag gaaraysa 65,000 oo dollar.

Wasiir ku xigeenka ayaa u mahadcelinay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo gacan ka siinayay la dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah oo Marakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in ay siyaan qalab ka Sataliteka oo inoo fududeynaya ka hortagga kalluumeyisga sharci-darrada ah.

1-1unnamed-2-2unnamed-3-2unnamed-4-2unnamed-18

unnamed-2-2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip