Sheeko gaaban oo qalbiga Taabaneysa "Miyaadan ogeyn in wiilkeyga xaaladiisa qatar…?"

0
Wednesday November 30, 2016 - 13:17:28 in Maqaallo by
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko gaaban oo qalbiga Taabaneysa "Miyaadan ogeyn in wiilkeyga xaaladiisa qatar…?"

    Dhakhtarkii wuxuu soo galay cisbitaalka isagoo degdegaya kadib markii ay u yeereen maamulka shaqaalaha si u sameeyo qalliin deg deg ah oo xilligaasi taagnaa. Wuxuu toos ugu gudbay qolkiisii wuxuu soo xirtay dharka loogu talagay qalliinka wuxuuna u si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtarkii wuxuu soo galay cisbitaalka isagoo degdegaya kadib markii ay u yeereen maamulka shaqaalaha si u sameeyo qalliin deg deg ah oo xilligaasi taagnaa. Wuxuu toos ugu gudbay qolkiisii wuxuu soo xirtay dharka loogu talagay qalliinka wuxuuna u sii gudubtay qeybta qaliinka.
Wuxuu arkay nin hadba dhinac u socda oo sugaya dhakhtarkii qaliinka sameyn lahaa, mar alle markii uu arkay ninkii ayuu kor u qeyliyay " Maxey tahay waqtiga intaa la eg ee aad iska maqan tahay ? Miyaanad ogeyn in wiilkeyga xaaladdiisu ay qatar ku jirto ? Miyaadan aheyn qof mas’uuliyed aleh ?

Dhakhtarkii inta uu ilka caddeyeey ayuu ku yiri " Iga raali noqo ma aanan joogin isbitaalka mar alle markii uu igu soo dhacay taleefanka si deg deg ah ayaan u soo cararay, iminkana is deji oo waxaan galayaa shaqada qalliinka.

" Is deji ?! Haddii wiilkaaga uu ku jiro qolka qalliinka, miyaad is dejin kartaa? Haddii wiilkaada uu dhinto iminka maxaad sameyn laheyd ??” ayuu si xanaaq ku jiro u yiri aabihii.

Dhaqtarkii inta uu mar labaad ilka caddeeyay ayuu ku celiyay "waxaan ku leeyahay waxa uu qur’aanka naga yiri taas waana " waxeynu ka nimid ciid, waxeynu ku noqon doonnaa ciid, dhakhaatiirtu ma dheereyn karaan nolosha. Ee orad u tag wiilkaaga una ducee waxaanu sameyn doonaa wixii aan awoodne ee nagu galadeystay nimcada illaah.

"Siinta talo marka aad walaacsan tahay ayuu ku gunuunacay” aabhihii dhalay wiilka . Dhakhtarkii wuxuu galay qolkii qaliinka wuxuuna bilaabay howshii waxeyna qaadatay dhowr saacadood, kadib waxaa soo baxay dhakhtarkii oo farxasna wuxuuna soo aaday halkii uu joogay aabaha dhalay wiilka, " alle ayaa mahadsan !, wiilkaagii wuu badbaaday!” isagoon sugin jawaabta aabaha ayuu u sii raaciyay haddaad wax su’aal ah qabto weydii kalkaalisada”. "Maxey tahay sababta uu sidaasi iskugu kibrinayo ? Xitaa muu sugin daqiiqado aan xaaladda wiilkeyga wax ugu su’aalo ayuu ku yiri kalkaalisidii.

Gabadhii kalkaalisada aheyd jawaabteedu waxey noqotay illin ka socota indhaheeda illaa ay buuxisay dhabanadeeda waxeyna iyadoo codka uu dhibayo ku tiri ninkii " Dhakhtarka wiilkiisa ayaa shalay ku geeriyooday Shil baabuur, iminka marka taleefanka laga wacayay si uu qalliin ugu sameeyo wiilkaada wuxuu joogay aaska wiilkiisa, iminka wiilkaadii ayuu ku guuleystay qalliinkiisa wuxuuna badbaadiyay nafsaddiisa, wuxuuna hadda u degdegay xabaalaha si uu u dhameystiro aaska wiilikiisa.”

Faa’iidada sheekada: Marnaba ha xukumin bini’aadamka maxaa yeelay ma ogaan kartid waxa niyada dadka dhex socda iyo sida nolosha tahay.

Haddii sheekadan ay qalbigaada taabatay maxaad sugeysa hadde Share dheh oo la wadaag asxaabtaada.

saciid-xagaa


Waxaa Diyaariyay: SICIID XAGAA
E-mail:sxagaa@hotmail.com.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip