Wasiir Khaalid "Aniga doorashada Baydhabo ma gelin dad Ugaaska uusan gudbin ayaana wax doortay"

0
Saturday November 26, 2016 - 12:10:15 in Wararka by
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Khaalid "Aniga doorashada Baydhabo ma gelin dad Ugaaska uusan gudbin ayaana wax doortay"

    Wasiir dowlaha arimaha dibada Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay in doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid aan sax aheyn, isla markaana isagoo aanan joogin la sheegay in laga guuleystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir dowlaha arimaha dibada Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay in doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ay aheyd mid aan sax aheyn, isla markaana isagoo aanan joogin la sheegay in laga guuleystay.

Wareysi uu siiyay Idaacada Dalsan ayuu kusheegay in magaciisa looga been abuurtay doorashada Baydhabo, dadka codeeyayna ay ahaayeen dad meelo kala duwan laga keenay oo Ugaaska beeshiisa uusan gudbin.

Khaalid, wuxuu sheegay in isaga oo sugaya inuu tartamo uu ka warhelay kursigiisa oo uu qof kale u tartamayo, taasi oo la yaab ku noqotay.

"Dadka codeeyay ma aheyn dadki Ugaaska uu qoray, dadka ugaaska uu qoreyna Xamar ayay joogaan, oo Baydhabo maba joogaan, sababtoo ah ergadii saxda aheyd lama qaadin”ayuu yiri wasiiru dowlaha arimaha dibada.

"Ergadii saxda aheyd markii la rabay in Xamar laga qaado amar ayaa lasoo rogay, maamulka Koofur Galbeed ayaa soo rogay oo ahaa in diyaaradaasi aysan Baydhabo ka dagi Karin,waliba waxaa loogu hanjabay in Laysan laga qaadayo”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wasiirka ayaa eedeyn u jeediyay gudiga doorashada heer maamulka Koofur Galbeed, isagoo sheegay in dhex dhexaad aysan ka aheyn doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Cabashooyin badan ayaa sanadkaan ka yimid doorashada Dadban ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya, waxaana doorashadaan ay tahay mid ka duwan tii sanadkii 2012.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay inuu dacwadiisa u gudbin doono cidda ay quseyso uuna soo bandhigi doono cadeymaha uu hayo ee ku aadan in musuq maasuq lagu sameeyay ergooyinkii saxda ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip