Dagaal ka socda duleedka Baledweyne, Amisom iyo Maamulka G/hiiraan oo gaaray goobta dagaalka

0
Saturday November 26, 2016 - 12:02:21 in Wararka by
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal ka socda duleedka Baledweyne, Amisom iyo Maamulka G/hiiraan oo gaaray goobta dagaalka

    Dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed ayaa ka socda deegaanka Doon-maleyka oo Qiyaastii 7-KM ujirta Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed ayaa ka socda deegaanka Doon-maleyka oo Qiyaastii 7-KM ujirta Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan oo ah mid xoogan oo labada maleeshiyo beeleed ay rasaas kala duwan isku weydaarsanayaan goobta dagaalka, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan 5 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, halka ay jiraan dhaawacyo intaasi ka badan, sidoo kale waxaa dagaalka ku dhintay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

Deegaanka Doon-maleyko oo dagaalka uu ka socdo ayaa waxaa ku sugan ciidamada Jabuuti oo Amisom ka tirsan iyo masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Jabuuti iyo Askarta Dowladda inay joojin la’yihiin dagaalka oo xitaa goobta waxaa ku dhintay Askari Dowladda ka tirsan oo ka mid ahaa ciidamadii isku dayaayay inay kala dhex galaan xabada socota.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan deegaanka dagaalka uu ku socdo, iyadoo la maqlaayo dhawaqa rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed aya todobaadkii ayno soo dhaafnay dib kaga soo cusboonaday deegaankan uu hada dagaalka ka socdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip