Wasiiru dowlihii arrimaha dibada Khaalid Cumar Cali oo looga guuleystey Kursiga Aqalka Hoose

0
Friday November 25, 2016 - 22:35:50 in Wararka by
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlihii arrimaha dibada Khaalid Cumar Cali oo looga guuleystey Kursiga Aqalka Hoose

    Wasiiru dowlihii arimaha Dibada Soomaaliya Dr Khaalid Cumar ayaa looga guuleystey doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, iyadoo lagu doortay maanta magaalada Baydhabo 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlihii arimaha Dibada Soomaaliya Dr Khaalid Cumar ayaa looga guuleystey doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, iyadoo lagu doortay maanta magaalada Baydhabo 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose.

Maxamed Saciid Abdullaahi ayaa ku guuleystey kursiga labaad ee Beesha Bagadi/Abaasaad, isagoona Heley 40 cod waxaa meesha ka Baxay Khalid Omar Ali Wasiiru dowlihii Arrimaha Dibadda oo laga adkaaday doorashada Aqalka Hoose ee Koofur Galbeed.

Khaalid Cumar Cali ayaa lagu tirin jiray ragga daacada u ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamul koonfur galbeed lamana oga guuldaradan inay tahay mid la qorsheeyay iyo mid si aan ku talagal ahayn u dhacday.

Sidoo kale waxaa maanta la doortay oo ku guuleystey kuraasta Aqalka Hoose xildhibaanada kala ah:-

Danjire C/laahi Sheekh Ismaaciil/ Dir/Biimaal/Ismiin oo helay 51 Cod.

C/laahi Cumar Abashir /Dir/Biimaal/Ismiin /51 Cod

Sayid Cali C/qaadir Macalin /Digil/ Jiido/Safar/ 49 cod

Magaalada Baydhabo oo ah halka ugu badan ee kuraasta Aqalka Hoose laga soo dooranayo ayaa si dardar leh uu ku socdaa doorashadeeda iyadoo maanta oo Jimce ahay aan loo nasan.

Kooramka loo baahan yahay in uu go’aan ka gaaro xilliga doorashada oo ah 180 ayaa waxaa haatan ka dhiman 31 mudane oo kaliya iyadoo lagu wado in berri ay ka dhacdo doorashooyinka Aqalka Hoose magaaloyinka Jowhar,Cadaado iyo Garowe.

Maxamed Saciid Abdullaahi oo Ku Guuleystey Kursiga labaad Ee Beesha Bagadi/Abaasaad, isagoona Heley 40 cod waxaa meesha ka Baxay Khalid Omar Ali

Maxamed Saciid Abdullaahi ayaa ka guuleystay Khaalid Cumar Cali oo 12-kii sano ee u dambeeyay ku fadhiyay Kursiga Beesha Bagadi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip