Akhriso: Madaxda Mareykanka ee ka badbaadday falal khaarajin ah "Qeybta 2-aad"

0
Friday November 25, 2016 - 17:30:47 in Maqaallo by
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Madaxda Mareykanka ee ka badbaadday falal khaarajin ah "Qeybta 2-aad"

    Tan iyo markii magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania laga soo saaray baayaan cad oo ka soo baxay mustacmiraddii Dalweynihii Ingiriiska (Gteat Britain) isla markaana lagu muujinaayey xoriyadda dadka Mareykanka ah July 4, 1776,waxaa dalkaasi s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii magaalada Philadelphia ee gobolka Pennsylvania laga soo saaray baayaan cad oo ka soo baxay mustacmiraddii Dalweynihii Ingiriiska (Gteat Britain) isla markaana lagu muujinaayey xoriyadda dadka Mareykanka ah July 4, 1776,waxaa dalkaasi soo aray maamul ku meel gaar ah oo shaqeeyay illaa 1779-kii iyo mid rasmi ah oo uu sanadkii 1779-kii horsed ka ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay Gorje Washington.

Mudada u dhaxeysa 1779-2016-ka waxaa dalka Mareykanka soo maray 44-Madaxweyne oo 16-kamid ah ay qabteen laba xilli,halka 12-madaxweyne ku xigeen ay iyaguna noqdeen madaxweynayaal.

Haddaba, waxaan qormadaan ku soo qaadaneynaa 11-madaxweyne oo iyagoo haya talada dalka Mareykanka ka badbaaday isku day dil iyo mid ka dagay ama banneeyay xilka madaxtinimo oo isna ka samatabaxay fal argagixiso ah..

Andrew Jackson(January 30, 1835).

Richard Lawrence oo ah nin aan kamid aheyn shaqaalaha Aqalka Cad,isla markaana loo keenay in uu naqshadaha bilicda iyo rinjyeyeyn ku sameeyo xafiisyada iyo hoolalka shirarka ee Aqalkaasi ayaa Bistoolad ku weeraray goob uu ku sugnaa madaxweyneAndrew Jackson.

Ninkaasi ayaa ku fashilmay in uu fuliyo falkaasi dilka ah,kadib kolkii ay suurtogal noqon weyday in wax rasaas ah ay ka baxaan ama ka dhacaan Bistooladdaasi.

Ciidamada ilaalada Aqalka Cad,ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee lagu soo oogo isku day dil ah oo loo geysan rabay Madaxweyne Mareykan ah.

Theodore Roosevelt(October 14, 1912)

Madaxweynahaasi ayaa la weeraray xilli uu khudbad u jeedinaayey dad isugu soo baxay deegaanka Milwaukee ee magaalada New York.

Falkaasi isku dayga khaarajinta ah waxaa geystay nin ka mid ah dadka ka adeega Baararka,kaas oo lagu magacaabi jiray John F. Schrank.

MadaxwyneTheodore Roosevelt,waa uu ka badbaaday falkaasi waxaana gaaray dhaawac fudud oo la tilmaamay in si degdeg ah ay u daaweeyeen ama u dabiibeen dhaqaatiir gaarka ah.

Madaxweynahaasi waxaa la sheegay in jirkiisa ay ku hartay xabad rasaas ah oo ku jirtay illaa uu ka dhintay sanadkii1919 .

Ninka geystay falkaasi ayaa mar dambe lagu helay in uu qabo cudurka waalid

Franklin D. Roosevelt(February 15, 1933).

Ninla lagumagacaabo Giuseppe Zangara,ayaa rasaas la beegsaday MadaxweyneFranklin D. Roosevelt oo waqtigaasi u gacan haadinaayey taageerayaal isugu soo baxay magaalada Miyaami ee gobolka Florida.

Rasaastaasi ayaa hareer martay Madaxweynaha waxaana ku dhintay Duqii magaaladaChicago oo la socday,iyadoo ay ku dhaawacmeen 4-qof

Falkaasi isku dayga ah ayaa yimid xilli Madaxweynahaasi aan loo dhaarin jagada xafiiska aqalka Cad.

Zangara oo ah ninkii ka dambeeyay falkaasi waa la qabtay waxaana lagu helay dambigaasi ,iyadoo la dilay March 20,1933.

Harry Truman(November 1, 1950).

Laba ka mid ah taageerayasha urur madaxbannaan oo lagu magacaabi jirayPuerto Rican oo ay ku bohoobeen dadka mareykanka ee ka soo jeeda Isbanishka ayaa si xeeladeysan u galay xarunta Aqalka Cad,waxayna bilaabeen in ay rasaas la beegsadaan halkii ay ku tuhmaayeen in uu joogo Madaxweynahaasi.

Madaxwyne Truman ,waxaa waqtigaasi uu nasasho u joogay gudaha aqalka cad.oo ay ka socotay dayactir lagu sameynaayey xaruntaasi.

Oscar Collazo iyo Griselio Torresola oo ahraggii isku dayey falkaasi,waxa ay iska horyimaadeen ciidamada Boliiska iyo kuwa sirdoonka ah ee joogay aqalka Cad,waxaana halkaasi ku dhintay sarkaal boliis ah iyoGriselio Torresola oo ah mid ka mid ah labadaasi nin .

Madaxweyne Truman waa uu ka badbaaday falkaasi isku dayga dilka ah waxaana la qabtayOscar Collazo oo ah ninkii labaad .

Ninkaasi waxaa maxkamadda ay ku heshay dambi ah isku day dil,waxaana lagu xukumay xabsi daa’in ah.

RichardNixonFEBRUARY 22, 1974

Samuel Byck, waaxa uu ahaa nin aan kamid aheyn shaqaalaha dowladda,horay waxa uu u ahaa ganacsade iibiya nuucyada lugaha Gaadiidka kala duwan

Ninkaasi waxa uu isku dayey in uu afduub ku sameeyo Diyaarad ku sugneyd Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore,si uu ugu burburiyo ama ugu rido Aqalka Cad ee Mareykanka.

Qorshahaasi waa uu ka dhicisoobay,wuxuuna ninkaasi dilay Pilootihii iyo ku xigeenkiisii, kadibna isaga ayaa isdilay.

2004-dhacdadaasi waxaa laga sameeyay Filim loogu magac daray The Assassination of RichardNixon.”

GeraldFordSEPTEMBER 5, 1975

Muddo bil gudahed ah Madaxweynahaasi waxaa la isku dayey in lagu weeraro gobolka California, iyadoo la doonayo in la khaarajiyoGeraldFord bishii Sept. 5-teedii , 1975iyo 22-kii bishaasi.

Labadaasai fal ee la isku dayey waxaa ka dambeeyayLynette Fromme iyo Sara Jane,iyagoo falalkaasi ka kala dhacay hooy uu deganaa Madaxweynahaasi oo ku yiilay San Fransisco iyo goob kale oo lagu magacaabo Sacramento,halkaasi oo ay isugu yimaadeen taageerayaal

Labadaasi fal waa uu ka badbaadaY MadaxweyneGeraldFordwaxaana ciidamada dalka Mareykanka ay gacanta ku dhigeen raggaasi.

Labadii ruux ee ka dambeeyay falalkaasi isku dayga ah waxaa la horgeeyay maxkamad, gunaanadkiina waxaa lagu xukumay xabsi daa’in

JimmyCarterMAY 5, 1979

5-tii May , ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubeysan Bistoolad oo ku sugnaa goob uu khudbad ka jeedinaayey MadaxwyneCarteree magaalada Los anjalis.

Raymond Lee Harvey oo ah ninkii lagu qabtay Bistooladda ayaa xilligaasi la tuhmay kadib markii la arkay isagoo ku dhex wareegaya goobtii ay ka socdeen khudbadaha MadaxweyneCarter.

Waxaana markii dambe mas’uuliyiinta ay ku sheegeen in ninkaasi uu watay Bistoolad maran oo jeebkiisa ku jirtay.

RonaldReaganMARCH30, 1981

John Hinckley Jr. waxa uu toogasho ku dhaawacay MadaxweyneRonaldReaganiyo sadex kale kuwaas oo xilligaasi ku sugnaa meel dibadda ka ah Hoteel ku yiillayWashington .

Hinckley waxa uu sheegay in falkaasi uu u sameeyay hammi ah in uu noqdo nin caan ah ama uu ismuujiyo,si uu ugu dhowaado gabadha Aktaradda ah ee Jodie Foster oo uuu si aad ah u jeclaa.

Gabadhaasi ayaa ninka geystay horay ugu tiri” haddii aad I dooneyso noqo qof can ah”.

Hinckley waxaa laga helay cudurka waalida,waxaana la geeyay xarun lagu daaweeyo dadka qaba cudurka dhimirka.

Marar badan ayuu raadiyay ninkaasi in uu dibadda uga boxo xaruntaasi


George H.W.BushAPRIL 13, 1993

Madaxweyne GeorgeH.W.BushAPRIL 13, 1993 xilligaasi ma aheyn nin haya talada xafiiska Aqalka Cad ee dalka Mareykanka,waxaana isagoo jooga dalka Kuweyt la isku dayey in lagu fuliyo fal khaarajin ah.

16-nin oo ku hubeysan nuucyada hubka iyo Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa u diyaargaroobay in ay wadada u gakaan ,isla markaana ay dilaanGeorge H.W.Bush oo waqtigaasi ku sugnaa dalka kuweyt oo uu kaga qeybgalaayey xaflad lagu maamuusaayey howlgalinta Jaamacad ku taalla dalkaasi,

Saraakiil reer Kuweyt ah ayaa sheegay goor dambe in la qabtay raggii waday falkaasi argagixisada ah iyo Gaarigii laga buuxiyay walxaha qarxa

Kadib kolkii sirdoonka mareykanka iyo kuwa Kuweyt ay ka warheleen isku daygaasi.

BillClintonNofember1996

Madaxweyne Clinton ayaa ka cararay isku day qarax bam bishii November 1996-dii isagoo booqanaayey Philippines oo uu kaga qeybgalaayeyshirka Asia-Pacific ee golaha wax wada qabsiga dhaqaalaha.

Howlwadeenada Sirdoona oo ka warhelay falkaasi argagixisada ah ayaa awood u helay in ay wadadiii qatarta ka weeciyaan Gaarigii siday Madaxweynaha

.Illi dambe ayaa la ogaaday in isku daygaasi argagixiso uu ka dambeeyay Osama bin Laadin hogaamiyihiiururka al-qaacida.

George W.BushFEBRUARY 7, 2001

Robert Pickett, oo ah xisaabiye ka soo jeeda magaalada Evanston,ee dhacda waqooyi bari gobolka Illinois waxa uu rasaas ku weeraray Aqalka Cad xilli uu Madaxweynuhu ku jiray gudaha Aqalkaasi.

Bush waa uu ka badbaaday rasaastaasi mana gaarin wax dhibaato ah.

Ciidamada sirdoonka ayaa rasaas la beegsaday Pickett,waana la qabtay.Maxkamadda ayaa ku xukuntay3-sano oo xarig ah.

BarackObamaNOVEMBER 11, 2011

Oscar Ramiro Ortega-oo ah mareykan ka soo jeeda Isbanishka (Hernandez) ayaa la qabtay laguna eedeeyay in uu maleegaayey isku day fal khaarajin ah oo lala beegsanaayey Madaxweyne Obama.

Ninkaasi waxaa lagu qabtay meel u dhow xarunta Ganacsiga caalamiga ah,kadib kolkii in muddo ah isha lagy hayey,isla markaana ay dabasocdeen ciidamada sirdoonka .

Obama ma joogin aqalka Cad waqtigii la qabanaayey ninkaasi oo illaa hadda la tilmaamay in lagu hayo xabsiga Mareykanka.

Oscar oo ka soo jeeda gobolka Idaho, waxa uu aaminsan yahay in Obama uu yahay Sheydaan

W/D/Shire Xasan Kulmiye

shiroos200@gmail.com

XIGASHO:-RADIOMUQDISHO.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip