Wasiirka Ganacsiga Somaliya: ma aqoonsanin labada gudoomiye ee lagu doortay Muqdisho

0
Friday November 25, 2016 - 10:53:44 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Somaliya: ma aqoonsanin labada gudoomiye ee lagu doortay Muqdisho

    C/rashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya, ayaa ka hadlay waxa uu kala socdo isqabqabsiga udhexeeya ganacsatada Gobolka Banaadir oo todobaadkan laba gudoomiye kala doortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/rashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya, ayaa ka hadlay waxa uu kala socdo isqabqabsiga udhexeeya ganacsatada Gobolka Banaadir oo todobaadkan laba gudoomiye kala doortay.

Talaadadii iyo ARbacadii, ayaa ganacsato siyaabo kala duwan ugu shirtay Magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen inay doorteen Gudoomiyaha rugta ganacsiga Gobolka banaadir, oo aan wax gudoomiye ah lehayn mudooyinkan.

Cali Xuseen Ibraahim, ayaa 22kii bishan lagu doortay Muqdisho, halka 23kii bihsana la doortay C/Naasir cali maxamed labadooduba waxa uu mid kasta sheeganayaa inuu yahay ninka hogaaminaya Rugta Ganacsiga Banaadir

Wasiirka, ayaa carabka ku dhuftay ineysan aqoonsaneyn labadooduba ayna aqbaleynin in khilaaf lakala dhexdhigo ganacsata ku sugan Caasimada.

"Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha mar walba waxey la shaqeysaa rugaha ganacsiga Gobolada iyo tan guud ee dalka waan maqalnay in dhawaan laba nin lagu doortay Muqdisho, labadooduba waan la xaali doonnaa ganacsatada ayaan shir uqabaneynaa waxaana ku hanweynahay in khilaafka la soo yareeyo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir C/rashiid oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal, ayaa dhinaca kale shaaciyay inay sharciyo usameeyeen ganacsatada Somaliyed mudada uu xilkaasi hayo, wuxuuna dhaliilay dad uu sheegay ineysan ubisleyn Dowladdnimada.

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Somaliya ayaa ugu danbeyn ka hadlay shaqo la’aanta heysata dhalinta waxbaratay ee kusugan Muqdisho, wuxuuna shaaciyay in Wasaradiisa marnaba aysan raali ka noqoneyn in AJaanib la shaqaaleysiiyo iyadoo ay taalo shaqooyin ay qaban karaan Muwaadiniinta Somaliyed.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip