Xasan Sheekh "Muqdisho waxaa ka dhici doono shir weyne la yiraahdo Talo Qaran"

0
Friday November 18, 2016 - 18:12:40 in Wararka by
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh "Muqdisho waxaa ka dhici doono shir weyne la yiraahdo Talo Qaran"

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shir weyn oo uu ugu magac daray Talo Qaran, kaasoo lagu soo uruurinayo talooyinka dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shir weyn oo uu ugu magac daray Talo Qaran, kaasoo lagu soo uruurinayo talooyinka dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad.

Shirkan Talo Qaran ayaa lagu qaabeynayaa istiraatiijiyada iyo siyaasada ay ku howl geli doonto dowladda cusub ee waqtigeeda ku jaan go’an 2016-2020.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku faah faahiyay ujeedada shirkan Talo Qaran ee la qabanayo, inkastoo aanu carabaabin waqtiga la qabanayo, iyadoo muddo 12-cisho ay ka harsan tahay waqtigii loo asteeyay inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha.

"Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doona shir weyn oo la yiraahdo Talo Qaran oo lagu soo uruurinayo Talooyinka dal iyo dibad laga keenay, talooyinkaas oo noqonaya Soomaalida cusub waqtiga soo socda ee 2016-2020, sida dowladda u dhaqmi doono iyo waxa dowladda laga sugayo oo ay dakda u sheegaan, in dowladda imaan doonta istiraatiijooyinka iyo siyaasaadka lagu dhaqan gelin lahaa, taladaas qaran oo laga soo uruuriyay dadka muhiimad weyn ayuu leeyahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay soo gudbiyaan fikiradaha dalka lagu horumarin karo, si dowladda soo socota ay u sameyso istiraatiijiyad iyo siyaasad cad.

Dad badan ayaa aaminsan in shirka uu Madaxweynaha iclaamiyay uu qeyb ka yahay ololaha doorasho ee uu ugu jiro inuu mar kale xilka Madaxtinimada ku guuleysto, inkastoo Madaxweynuhu uu wajahayo tartan adag oo uga imaanaya Musharaxiinta qaar ee u taagan xilka Madaxweynaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip