Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada xubnaha Dir-ta Waqooyi

0
Friday November 18, 2016 - 18:06:34 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada xubnaha Dir-ta Waqooyi

    Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa khamiistii si rasmi ah u shaaciyay goobta lagu dooranayo Xubnaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi ama Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa khamiistii si rasmi ah u shaaciyay goobta lagu dooranayo Xubnaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Avv Cumar Maxamuud Cumar dhagey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madasha Wada-tashiga Qaran ay hadda gacanta ku hayaan Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland wakiil ka noqonaya islamarkaana ay dhowaan shaacin doonaan.

Guddiga doorashada dadban ayaa sidoo kale ka hadlay halka lagu dooranayo xubnaha Aqalka Hoose ee maamulka Somaliland waxana uu Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Dadban Avv Dhagey uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Somaliland lagu dooran doono magaalada madaxda dalka ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay in doorashadu ay ku dhaceyso xilligii loo qabtay oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaanaya.

Doorashooyinka Aqalka Sare ayaa waxa ay ka dhaceen maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeele, Koofurgalbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxaana heer gabagabo ah maraya doorashooyinka Aqalka Hoose ee maamul goboleedyada.

Hase yeeshee lama oga sida ay ka yeeli doonaan maamul goboleedyada kale ee dalka go’aanka ka soo baxaya doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip