Yuusuf Garaad oo bixiyay xog muhiim & sidey u shaqeyso safaarada Somalia ee USA..

0
Tuesday November 15, 2016 - 11:35:24 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad oo bixiyay xog muhiim & sidey u shaqeyso safaarada Somalia ee USA..

    Waxaan maanta la joogaa Danjiraha Soomaaliya ee Washington Axmed Cawad si aan uga qaato warbixin ku saabsan howlaha Safaaraddeenna iyo wadashaqeynta kala dhexeysa Dowladda Mareykanka iyo Soomaalida Mareykanka. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan maanta la joogaa Danjiraha Soomaaliya ee Washington Axmed Cawad si aan uga qaato warbixin ku saabsan howlaha Safaaraddeenna iyo wadashaqeynta kala dhexeysa Dowladda Mareykanka iyo Soomaalida Mareykanka. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sida ay labadeenna xafiis ay u yeelan lahaayeen wadashaqeyn dhow.

Waxaan jecleystay sida Soomaalida Mareykanku ay isugu xilqaantay gacansiinta safaaradda, siiba xagga dayactirka xafiiska quruxda badan ee Safaaradda iyo taageerada guud.Waxaan u bogay dhallinyaro si mutaddawacnimo ah ula shaqeysa safaaradda. Cosob oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee mutaddawiciinta ah ayaa naga qaadday sawirka.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington waxay hadda ku jirtaa qabanqaabada soo dhoweynta wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo maalinta Jimcaha ah Washington ku soo bandhigi doona Qorshaha Horumarinta Dalka ee Saddexda Sano ee soo socota.

Maalintaas oo ah 18-ka November waxay ku beegan tahay sannadguurada koowaad ee dib u furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee Washington.safaaradda-dc

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip