Maxkamadda Ciidamada Somaliya oo xarumo ka furanaysa dhulka cusub ee Al Shabaab laga saaray

0
Monday August 31, 2015 - 12:32:34 in Wararka by
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada Somaliya oo xarumo ka furanaysa dhulka cusub ee Al Shabaab laga saaray

    Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Shuute, ayaa sheegay Maxkamaddu inay xarumo ka furanayso goobihii dhawaan laga saaray Ururka Al Shabaab. Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay taggi doonaan Gobolada Koonfurta &a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Shuute, ayaa sheegay Maxkamaddu inay xarumo ka furanayso goobihii dhawaan laga saaray Ururka Al Shabaab. Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay taggi doonaan Gobolada Koonfurta & Hiiraan, iyadoona uu qasdigu yahay in la gaarsiiyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

"Deegaanada Al Shabaab laga saaray waxay u baahan yihiin in laga hirgeliyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Dhawaan waxaa nabadiidka laga saaray deegaano ku yaala Gobolada Koonfureed iyo Gobolka Hiiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda.

Gudoomiyaha, ayaa yiri "Dhawaan waan taggi doonnaa meelaha laga saaray Al Shabaab, waxaana ka hirgelin doonnaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.”

Markale, ayuu yiri "Ujeedada Maxkamadda looga hirgelinaayo dhulkaasi waxaa weeye, sidii loogu ciqaabi lahaa nabadiidka ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda, kuwa u bareera inay shacabka dhibaateeyan.”

Shuute

Xasan Cali Shuute, ayaa Ciidamada Dowladda waxa uu kaga digay inay dhibaateeyan shacabka ku dhaqan dhulkii dhawaan lagala wareegay mintidiinta Ururka Al Shabaab.

"Ciidamada Dowladda waxaan kaga digeynaa inay shacabka ku dhibaateeyan meelaha laga saaray nabadiidka. Qoriga waxaa la idinkugu dhiibay inaad shacabkiina ku difaacdan. Maxkamadda way ciqaabi doontaa askarigii falkaasi lagu helo.” Ayuu yiri Xasan Cali Shuute.

Shuute oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa ku celceliyay inay ciqaabi doonaan ragga Ururka Al Shabaab ka tirsan, ee lagu soo qab qabto goobihii bishii hore ee July laga qabsaday.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip