Wararkii ugu dambeeyay wadahadalada maamulada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo (Warbixin)

0
Tuesday November 15, 2016 - 10:47:38 in Wararka by
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay wadahadalada maamulada Galmudug iyo Puntland ee Gaalkacyo (Warbixin)

    Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa walli ka soconaya dhexdhexaadin laga dhex wado labada Maamul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa walli ka soconaya dhexdhexaadin laga dhex wado labada Maamul.

Hishiis dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana kamid ahaa xabad joojin ka dhaqan gasha Mudug iyo in la dhameeyo waxyaabaha dagaalka keenay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu jiro isfaham waa u dhaxeeya odayaasha dhaqanka labada maamul iyo wafdiga ra’iisul wasaaraha ee dhexdhexaadinta ka wada magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha dhaqanka ayaa diidan qodobada qaar ee lagu saleynayo xabad joojinta, waxaana ra’iisul wasaaraha uu la kulmay waxgaradka labada maamul ee kusugan waqooyiga iyo koofurta magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka qaar ayaa doonaya in xalinta khilaafka loo madax banaaneeyo si ay u dhameeyaan, sababtoo ah waxay sheegeen in siyaasiyiin aysan xal rasmi ah ka gaari karin xiisada magaalada.

Mararka qaarkii waxaa galbeedka Gaalkacyo laga maqlayaa rasaas goosgoos ah, waxaana wali cad inaan la kala qaadin ciidamada isku horfadhiya goobihii lagu dagaalamay.

Warar kale ee aan heleyno waxay sheegayaan in Galmudug ay diidan tahay in wadahadalka uu socdo ilaa ciidamada isku horfadhiyaan halkii lagu dagaalamay, halka Puntland ay diidan tahay in ciidamada la kala qaado, iyadoo laga baqayo dagaalo kale.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo uu ku wajahan yahay ergayga gaar ee QM u qaabilsan Soomaaliya, si uu kulamo ula qaado waxgaradka iyo siyaasiyiinta labada maamul.

Waxyaabaha kale ee sida weyn la iskugu hayo waxaa kamid ah sida waajibaadka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyo in la qaado xayiraadii Puntland kusoo rogtay gaadiidka ka tagayay koofurta magaalada Gaalkacyo.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip