Ciidamada Ahlu Sunna oo xiray Radio Galgaduud, qaatayna qalabkii Idaacadaas

0
Tuesday November 15, 2016 - 09:41:42 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ahlu Sunna oo xiray Radio Galgaduud, qaatayna qalabkii Idaacadaas

    Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa xalay xiray xarunta Idaacada Radio Galgaduud ee ku taala Magaalada Guriceel oo Maamul ahaan ay ka taliyaan Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa xalay xiray xarunta Idaacada Radio Galgaduud ee ku taala Magaalada Guriceel oo Maamul ahaan ay ka taliyaan Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe.

Ciidan ka tirsan Ahlu Sunna oo wajiyada ay u duuban yihiin ayaa xalay saacada markii ay aheyd 10:30 waxa ay u daateen dhismaha Idaacada oo ku taal Magaalada Guricel, waxaana ay damiyeen FM-kii Idaacada oo hawada ay ka saareen.

Shaqaalaha Idaacada oo aanan ku baraarugsaneyn ciidanka soo weeraray inay yihiin kuwa Ahlu Sunna, ayaa durbadiiba ka kala cararay Idaacada, maadaama ciidamada u soo galay ay ahaayeen kuwa wajiyada soo duubtay.

Masuuliyiin ka tirsan Idaacada Radio Galgaduud, ayaa sheegay inaysan garan karin sababta Idaacada loo xiray qayb ka mid ah qalabkii Idaacadana ay u qaataan ciidamada Ahlu Sunna.

Waxa ay sheegeen Shaqaalaha Idaacada, xilliga Idaacada ciidanka ay soo galayeen inay Idaacada Baahinaysay Barnaamij Siyaasadeed arimo Maamulka ku saabsana aanan looga hadlin.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay howlgalka lagu xiray Idaacada inay iyaga amreen, wixii faah-faahin intaasi dheeri ahna dib ay ka bixin doonaan Maamulka.

Ahlu Sunna ayaa dhowr mar Magaalooyinka ay ka taliyaan ee Gobolada Dhexe waxa ay ku xireen Suxufiyiin iyo Xarumo Warbaahin oo ka howlgala Gobolkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip