Wasiir ka tirsan Jubaland oo Maanta iscasilay, Kana Cararay Kismaayo

0
Monday November 14, 2016 - 22:42:26 in Wararka by
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan Jubaland oo Maanta iscasilay, Kana Cararay Kismaayo

    Waxaa maanta warqada iscasilaada gudbiyay Wasiirka Cadaalada Maamulka Jubaland Aadan Ibraahim Xirsi (Cirro) oo mudooyinkan ka cabanayay faragalin lagu hayo Wasaaradiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta warqada iscasilaada gudbiyay Wasiirka Cadaalada Maamulka Jubaland Aadan Ibraahim Xirsi (Cirro) oo mudooyinkan ka cabanayay faragalin lagu hayo Wasaaradiisa.

Wasiir Cirro ayaa Maanta kulankii Golaha Wasiirada Maamulka Jubaland ka sheegay inuu iscasilay,isagoo goobta ku wareejiyay warqada shaqo ka tagistiisa.

Wasiirkii Cadaalada Jubaland ayaa sidoo kale warqada iscasilaadiisa ugudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland oo uu ugu tagay Xafiiskiisa iyadoo laga qabtay Warqadaha shaqo ka tagista.

Wasiirka iscasilay ee Aadan Ibraahim Xirsi (Cirro) ayaa mudooyinkanba waday cabasho ku aadan in Madaxda Jubaland ay fara galin qaawan ku hayaan shaqada Xafiiskiisa oo aan loo Madax banaaneyn.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer Cabahsada arintaas la xiriirta uu ugudbyay Madaxweynaha Jubaland, Dowladda Dhexe iyo beesha Caalmkaba balse aan Miiska laga qaadin Tabashadiisa.

Arinta layaabka leh ayaa ah in Wasiirka iscasilay uu durbaba uduulay magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya oo Waxaaba garoonka usii fadhisay diyaaradda qaaday.

Maamulka Jubaland Wali wax war ah kama soo saarin iscasilaada wasiirkii Cadaaladda Jubaland Aadan Ibraahim Xirsi (Cirro)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip