Wiil Yar Oo Isagoo Faqri Ah Abaal Gabar Yar Ay U Gashey U gudey Isagoo Dhaqtar Weyn Ah.

0
Monday November 14, 2016 - 11:36:25 in Maqaallo by
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Yar Oo Isagoo Faqri Ah Abaal Gabar Yar Ay U Gashey U gudey Isagoo Dhaqtar Weyn Ah.

    Wiil yar oo lagu magacaabi jirey Howard Kelly oo ku dhashey Gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka Bishii February 20-kedii Sanadkii 1858-kii ayaa wuxuu wiilkaan ka dhashay cid faqiir ama sabool ah, wuxuuna subaxii ama aroortii dhigan jiray iskuul, g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil yar oo lagu magacaabi jirey Howard Kelly oo ku dhashey Gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka Bishii February 20-kedii Sanadkii 1858-kii ayaa wuxuu wiilkaan ka dhashay cid faqiir ama sabool ah, wuxuuna subaxii ama aroortii dhigan jiray iskuul, galabtiina wuxuu wareejin jiray oo tuulada ay reerkoodu deganayeen ku iibin jiray alaabo yar-yar oo uu ka raadin jirey lacag uu iskuulka iskaga bixiyo.
Hadaba galab ka mid ah galbihii isagoo wareejinayo alaabtii ayaa waxaa qabatay Gaajo aad u daran maadaama subaxaas uusan quraac helin, lacag uu wax ku gatane muusan haysan, wuxuu ku fakaray in cid ka mid ah reeraha uu wax ka iibinayo inuu waydiisto wax uu cuno, albaabkii ugu horeeyay markuu garaacay, waxaa ka furay, gabar yar oo ay isku da’ yihiin.

Wuu isku naxay wuxuuna ka xishooday inuu waydiisto wax uu cuno laakiin wuxuu ku yiri fadlan walaal: koob biyo ah i sii.

Gabadhii yarayd guriga ayay ku laabatay oo waxay u keentay koob caano oo buuxa.

Isagii oo yaaban ayuu cabay caanihii, markaa ayuu waydiiyay: imisaan lacag bixiyaa?

Gabadhii waxay ku jawaabtay: Gaajo ayaan kaa dareemay, hooyadayna waxay na bartay in naxariis hadii aan falno in aanan lacag ku qaadan.


Howard wuxuu yiri: haddii ay saas tahay, kal iyo laab, waan kaaga mahad celinayaa axsaanka aad ii fashay .. Howard wuu soo tagay isagoo dareemay naxariis iyo rayn-rayn aanan la suurayn-karin galabtaas.

Sanooyin badan ka dib, gabadhii way xanuunsatay, xanuunkeedii waa lagu wareeray, tuuladii ay joogtay ayaa laga soo kaxeeyay oo waxaa la keenay Cusbitaalka wayn ee magaalada.

Dhakhaatiirtii ka shaqaynaysay Cusbitaalkii lagu soo xawilay waxay isku dayeen in ay ogaadaan xanuunkeeda, markay iyagina ku adkaatay in ay gartaan xanuunkeeda ayaa waxay xaaladeeda la socodsiiyeen dhakhaatiirta ka sarraysa.

Dhakhaatiirtii lala tashtay waxaa ka mid aha Dr.Howard Kelly .. markii loo sheegay meesha ay ka timid haweenta xanuunsan wuu isbadalay durbadiiba, dareen ayaana galay, wuxuu ka codsaday dhakhaatiirtii xaalada uga sheekeynaysay in ay u tilmaamaan qolka ay jiifto.

Dhakhtarkii wuu dul yimid haweentii xanuunsanayd, inkastoo xanuun iyo duruuf ka muuqatay laakiin horay ayuu ka gartay. Wuxuu Dr. Howard go’aansaday markuu ka soo laabtay qolka ay jiiftay in uu si gooni ah uga war qabo, xaaladeedana uu gacanta ku hayo illaa ay ka bogsanayso, dhakhaatiirtii kalane wuu la socodsiiyay in xaaladeeda saacad saacad loola socodsiiyo .. ugu dambeyntiina waa lagu guuleestay in la daaweeyo oo alle ayaa caafiyay haweeneydii.

Wuxuu Dr. Howard ka codsday xafiiska lacag qabashada Cusbitaalka in Biilka haweeneydaas la soo marsiiyo inta aanan loo gaynin .. Warqaddii biilka Cusbitaalka ayuu meesha hoose wax kaga qoray, kadib ayuu yiri: hadda ha loo geeyo.

Haweeneydii oo naxsan oo ka fakarayso lacagta lagu soo dallici rabo inta ay noqon doonto iyo sida ay ku bixin lahayd maadaama uu kharash badan ku baxay, ayaa warqadii loo keenay.

Markii ay warqadda aragtay way ka naxday lacagta qoran iyo tiradeeda, kadib ayay waxay meesha ugu hooseyso warqadda ku aragtay hadal gacanta lagu qoray oo ah "paid in full with one glass of milk” taasoo macnaheeda ah: "Waxaa lagu wada bixiyay hal koob oo caano ah”

fb_img_1479102888107

Haweeneydii farxad darteed ayaa illin soo dhaaftay, illeen way ka shakisnayd dhakhtarkaan wayn oo subax kasta dul taagan, wajigiisane meel ay ku sheegtane maysan garanayn . Kadib ayay waxay ku tiri: "kal iyo laab waan kaaga mahad celinayaa axsaanka aad ii fashay”

Dr. Howard Kelly wuxuu ahaa dhakhtar ku taqasusay cudurrada haweenka ku dhaca "Gynecologist” oo aad looga yaqaanay dalka Maraykanka waqtigii uu noolaa waxuuna geeriyoodey Bishii January 12-kedii Sanadkii 1943-kii isagoo 84 jir ah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip