Dowladda Burundi oo mar kale ku goodisay inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Hawlgalka AMISOM.

0
Monday November 14, 2016 - 11:02:37 in Wararka by
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Burundi oo mar kale ku goodisay inay Ciiddankooda kala bixi doonaan Hawlgalka AMISOM.

    Iyadoo uu cirka isku shareeray Muranka Dowladda Burundi iyo Midowga Europe ayaa waxay Dowladda Burundi ku goodisay inay la bixi doonta Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, haddii aysan Midowga Europe bixinin Mushaaraadka Ciiddankooda ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo uu cirka isku shareeray Muranka Dowladda Burundi iyo Midowga Europe ayaa waxay Dowladda Burundi ku goodisay inay la bixi doonta Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, haddii aysan Midowga Europe bixinin Mushaaraadka Ciiddankooda ka tirsan AMISOM.

Taliyaha Ciiddanka Qaranka Burundi, Jenerel Prime Niyongabo oo dhawaan ka qeyb galay Kulan ay dhigiisa Dowladaha ay ciiddamada ka joogaan Somalia ku yeesheen magaalladda Addis Abeba ayaa sheegay inay Midowga Europe "EU”-da diidan yihiin inay Dowladda Burundi soo marsiiyaan Lacagaha Mushaaraadka Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM.

EU-da waxay Ciiddanka Burundi ee ku sugan Somalia bishiiba mushaar ahaan u siiyaan lacag dhan 5.43 million oo Dollar, balse, EU-da waxay diidan yihiin inay Mushaaraadkaasi si toos ah ugu diraan Dowladda Burundi oo ay kala dhexeyso Xurguf Siyaasadeed.

Sarkaal u hadlay Midowga Europe ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AFP inay sida ugu dhaqsaha badan u bixin doonaan Lacagahaasi, haddii ay Ururka Midowga Afrika helaan wadiiqad horseedi karta in si toos ah Ciiddanka Burundi loogu soo diro mushaaraadkooda.

Dhinaca kal,e Madaxweyne-ku-xigeenka Burundi, Gaston Sindimwo ayaa isagana tilmaamay inaysan Ciiddankooda qeybta ka ah AMISOM wax mushaar ah la siinin muddo 10-bilood.

Waxa uu ku eedeeyey Midowga Europe inay qeyb ka yihiin Deganaansho la’aanta ka jirta Burundi, wuxuuna meesha ka saarin haddii ay EU-da ku adkeystaan Go’aanka ku aadaan Mushaaraadka Askartooda inay la bixi doonaan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 5,400 Askari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip