Banaanbax ballaaran oo maanta Muqdisho lagu qabanayo

0
Monday November 14, 2016 - 10:09:16 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax ballaaran oo maanta Muqdisho lagu qabanayo

    Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada muqdisho uu ka qabsoomo Banaanbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada muqdisho uu ka qabsoomo Banaanbax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Banaanbaxan oo ah mid roobdoon ah, ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ka qaybgalaysa waxa ay isugu imaan doonaan Barxada Masaajidka Isbaheysiga oo ka tirsan Degmada Waaberi.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan Banaanbaxa, kuwaasi oo madasha Roobdoonka hadalo ka jeedin doono.

Xilligan ayaa inta badan Gobolada dalka Somaliya waxaa ka taagan xaalad abaar oo adag, taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool Gobolada dalka.

Ciidamada Booliska ayaa xiray wadooyinka soo gala Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho oo ah goobta la filaayo in Banaanbaxa roobdoonka lagu qabto.

Ciidamada ayaa gaadiidka yar yar u diidaya isticmaalka wadada, waxayna u sheegayaan dadka wadada inay xiran tahay oo aysan mari karin.

Culimada Somaliyed ayaa ka qaybgalaya Banaanbaxa, kuwaasi oo hogaaminaya Banaanbaxa roobdoonka ah iyo Salaada loo tukan doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip