MASHRUUCA WADO XIRISTA MUQDISHO.

0
Sunday November 13, 2016 - 18:27:12 in Maqaallo by
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MASHRUUCA WADO XIRISTA MUQDISHO.

    War Ninahow Wixii Hayadaha ahaa ee aan ka qaraaban jirney waa Naga Soo Xirmeen ee Maxaa Talo ah " kii kalaa inta soo boodey ayaa yiri Saaxiib anigaa kuu haya meel lacag laga helayo " inta kor u boodey ayuu yiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Ninahow Wixii Hayadaha ahaa ee aan ka qaraaban jirney waa Naga Soo Xirmeen ee Maxaa Talo ah " kii kalaa inta soo boodey ayaa yiri Saaxiib anigaa kuu haya meel lacag laga helayo " inta kor u boodey ayuu yiri

"Saaxiib aad baa iiga farxisey ee ii sheeg waxa lacag laga helayo” inta ku soo dhawaadey ayuu si hoose ugu sheegey "Saaxiib Meel Waddo ah oo la xiri karo ma haysaa” inta si xun u eegey ayuu yiri " Ma hadaan is baaro dhiganeynaa war nin Xun Baa tahay” maya saaxiib sidaa ha ila hadlin "


Maya saaxiib wado Xirida tii isbaarada ma aha ee waa mid kale oo aan lacag ku heleyno " Inta si miyiri ah fariistey ayuu ku yiri " ii sheeg sida lacag lagu helayo” saaxiib Ma aragtey wadooyin inta la xirey Shacabkii iyo Gaadiidkii laga joojiyey” haa waan arkey maxaa la sameynayaa "Saaxiib Dowladaan u tageynaa waxaan leenahay Wadadaan Halis baa ka imaan karta waa in lagu gooyaa Ciid iyo Dhagaxaan” Aleylahe hadaa helney Mashruuc lacag lagu helayo ii sheegtey oo maxa mar hore iigu sheegi weydey "inta soo boodey ayuu yiri” Saaxiib Rag baa Mashruucaan ka lacageystey ee fadlan deg deg hada noo qor Qiimeynta waxa ku baxaya Wadada la xirayo”

"200 Kaariko oo Ciid ah 100 Kaariko Dhagaxaan ah 1000 Loor Shamiinto ah, 10 kun oo Masaabiir ah, intaas oo Silig ah, Darbaalkii lagu shubayey Ciida ee Dhufeys laga dhigi lahaa, Shaqaalihii Howshaan qaban lahaa iyo wixii kale oo aad noo raaci karto " kii kalaa ayaa yiri " War intaa jiifney ayaa rag badan faaiideysteen marka waxaan ku weydiin lahaa Ma noo haysaa Wadada la xiri lahaa " inta soo boodey ayuu yiri "War anigaa kuu haya Wadada la xirayo” waa uu ku celiyey ee saaxiib noo sheeg " inta ku soo dhawaadey ayuu yiri” Wadada Maka AlMukarama ayaanba Gebi ahaan Xiireynaa " inta yaabey ayuu yiri " saaxiib dadka iyo Gaadiidka halkey marayaan " inta indhaha ku kuurey ku yiri "Ma dadkaanaa Axsaan loo sameeyey waad u jeedaa inta Waddo ka Xiran " marka waxaas oo wado ee Xirana rag baa ka faaiidey anagana kuwaa ayaa la mid nahay” marka waxaan ku soo gabagabeynayaa " Ha israacdo Diidaye ha israamsato”

Qoraalkaan in aan sameeyo waxaa igu kalifey saakey ayaa kuwaa bariistey aniga oo ku sii jeeda Hotelka City Palaca ahaa ayaa Damacay inaa ka wareego Dhinaca Gaadiidka Booliiska iyadoo oo dhana Labada Dhinac ayaa laga Xirey oo Ciid dhagaxaan lagu gooyey oo waliba aan dhihi karo Kharash badan baa ku baxay sidaa Darteed waxaa muuqata in ay sii Kordheyso Xirida Wadooyinka Magaaladda Muqdisho marka dadka Ma Cirkey marayaan, waxaa ka sii Daran waxaa iyana Magaaladdaa Muqdisho ku soo Kordhey Maalmahaan Mashruuca Askariga iifa waa yaabee "Askari Taagan ayaa wax qaba waayey ma askari Jiifaa wax qabanaya!! Marka Dowlada goormey Mashaariicda noocaan oo kale ah ee la hoos gelinaya oo weliba shacabka Dan u ahayn wax ka qaban doontaa, Sidaa darteed waxaa Xaqiiqo ah in Dadka Dowlad Naceybka la barayo.

w-31img_7b2166-126e27-8ae1e9-d21e6b-c9fce8-d00f48

wadooyinka-xiran-muqdisho-02

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro  

  E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk 

      E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk 

Tel 00252615532494



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip