Is bar bar dhiga Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, keebaa dan u ah shacabka Soomaaliyeed ?

0
Thursday November 03, 2016 - 11:09:01 in Maqaallo by
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is bar bar dhiga Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, keebaa dan u ah shacabka Soomaaliyeed ?

    Soomaaliya waa dal ku yaala bariga qaaradda Afrika, si gaar ah cirifka geeska qaaradda, waana dal uu Allah ku maneystay kheyraad kala duwan oo caalamka indhaha ay la raacayaan. Inkastoo Soomaaliya marxalado kala duwan ay soo martay , haddana xilig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waa dal ku yaala bariga qaaradda Afrika, si gaar ah cirifka geeska qaaradda, waana dal uu Allah ku maneystay kheyraad kala duwan oo caalamka indhaha ay la raacayaan. Inkastoo Soomaaliya marxalado kala duwan ay soo martay , haddana xiligan wuxu joogaa marxalad ka duwan dhibaatooyinkii la soo maray, waxaana u hanqal taagaya hanashada kheyraadka ku jiro dowlado badan oo kala leh dano iyo ujeeddooyin gaar ah. Hadabada, Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo Safaarado ku leh Caasimadda Muqdisho, ayaa waxa aanu ku sameyneynaa isbar bardhig kooban, inta awooddeenna ay tahay, annaga oo u cuskaneyna aragtida shacabka iyo waxa muuqda ee labadaas dal ay dalka u qabteen, maadaama ay yihiin dalalka xilligan ku loolamaya hardanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ka jira.

Sanadkii 2011, xilli abaaro daran ay ka jireen dalka Soomaaliya, waxaa dalka yimid Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo xilligaasi ahaa Ra’iisul wasaare, mudadaasi wixii ka ka dambeeyay dowlada Turkiga waxa ay xoogga saartay iney wax badan ka qabato baahiyaha ka jira Soomaaliya si gaar ah xaaladaha bani’aadannimada, soo nooleynta adeegyada bulshada iyo la tacaalidda dhaawacyada culus ee ay geystaan qaraxyada ka dhaca dalka, waxa ay abuureen jawi ay kalsooni kaga sameysteen shacabka, iskaba daa taageeridda Xukuumadda Federaalka iyo Maamul goboleedyada, waxaana dadka Soomaaliyeed ay si aad ah u soo dhoweeyeen Turkiga oo ay u arkaan saaxiibka dhabta ah ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa loo arkaa in indhaha caalamka ku soo jeediyay Soomaaliya, xilli dunidu ay ku mashquulsaneyd wax ka baxsan arrimaha Soomaaliya.

Turkiga waxa uu Soomaaliya ka hirgeliyay goobo waxbarasho oo la jaanqaada heer waxbarasho ee dugsiyada Turkiga ku yaalla oo lacag ah, waxaana taasi u sii dheer furidda goobo lagu barto caafimaadka, Isbitaallo leh qalab heer sare ah oo dadka lagu daweeyo si lacag ah, balse muujiyay in adeegyo dibadda loo aadi jiray , lagaga maarmo oo laga helo dalka.

Turkiga oo ku leh Muqdisho Safaaraddiisii ugu weyneyd dunida, ayaa dalka ka hirgelisay duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aden Abdulle International Airport iyo Istanbul Atatürk Airport, waxaana diyaaradda Turkish Airlines ay Muqdisho ku timaadaa socdaal todobaadkiiba laba jeer, taasi oo aheyd ifafaalo ay ku daydeen, kuna dayan doonaan shirkado duulimaad oo caalami ah.

Turkiga waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu deeqaa sanad kasta fursado waxbarasho oo heerar kala duwan, Safaaraddiisa Muqdisho waxa ay fududeysay dal ku galka, hey’adaheeduna waxa ay Soomaaliya ku caawiyeen kaalmooyin samafal cunno ah, dib u dhiska dalka, si gaar ah qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda, dhismaha guryaha iyo wixii la halmaala .

Turkiga waxa uu tababaraa Shaqaallaha dowladda, Ciidamada ammaanka, si gaar ah ciidanka Cirka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada lugta .

Turkiga waxa uu ka duulayaa dan ay Dadnimo ku lamaansantahay taas oo ah in Dadka Soomaaliyeed jiritaankooda kor loo soo qaado,Dalkoodana la dhiso si ay u noqdaan Cudud wax ku ool ah oo hanan karto maamulkooda Dowladnimo iyo marinka muhiimka ah ee ay dhacaan.

Sidoo kale Turkiga dano dhaqaale iyo kuwo Siyaasadeed oo qoto dheer ayuu Soomaalida ka leeyahay,gaarista danahaas waxa uu u marayaa isla dadka Soomaaliyeed ee ah Milkiilaha dhabta ah ee kheyraadka la doonayo in laga wada faa’iidaysto, kaas oo guul keeni kara Mustaqbalka dhow iyo kan fog labadaba haddii dadka siyaasadda Soomaaliya horboodayo Maanta ay noqdaan kuwo wax garad ah danaysina uu ka maranyahay.

Haddaba, Marka loo eego dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku leh Muqdisho Safaarad, wax muuqata oo shacabka Soomaaliyeed uu u qabtay aanay jirin, Isbitaalkiisa ku yaalla Waqooyiga Muqdisho ma bixiyo adeeg caafimaad oo lagu qanacsan yahay.

Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho wax Visa ah ma bixiso, haddii ay bixisana shakhsiyaadka ay siiso waa kuwa laga qaado lacag damaanad ah oo buuran iyo shuruudo adag.

Imaaraadku kama qeyb qaadan inuu horumariyo waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aas’aasiga ah ee dalka, umana fidiyo Soomaaliya wax deeq waxbarasho ah oo dalkiisa ah.

Diyaaradaha Isutagga Imaaraadka laga leeyahay ee kala ah Emirates, Etihad Airways , Flaydubai iyo kuwa kale kama howlgalaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ugu kala deeqay mid waliba todobo (7) gaadiidka qafilan ee aan wax qori ah ku rakibneyn, waxaana gaadiidkaasi qafilan loo yaqaanaa (RG-31 armoured personnel carriers), tobaneeyo gawaarida qoryaha tiknikada lagu rakibo iyo kuwa aan xabadda duleelin karin, si la mid ah waxa ay ugu deeqday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed tobaneeyo gawaarida ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile (Toyota Land Cruiser Pickup) iyo kuwa raaxada ah ee aan xabadda karin ee madaxda lagu qaado, loona yaqaan (Armored Bulletproof Toyota Land Cruiser) , hayeeshee Maamul goboleedyada kala ah GalMudug iyo HirShabelle ayaa deeqahan gaadiidka dagaalka ah aan wax nasiib ah u helin.

Imaaraadka waxa uu ka duulayaa dan ay wehliso cadaawad ah in Dalka Soomaaliya uusan dib dambe luguhiisa isugu taagin Dowladnimana uusan yeelanin. waxaana sabab u ah kor u kac ay yeelato muhimadda Soomaaliya waa hoos u dhaca Muhimadda Imaaraadka Carabta, waayo Soomaaliya waa Dal dihin kheyraadkiisana aanan wali la soo saarin amaba aan la daah furin, Afkana ku hayo marin biyoodka Baabul mandab iyo Badda cas.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa bilaabay siyaasad cusub oo si gaar gaar ah kula heshiinayo maamul goboleedyada dalka ka dhisan, maadaama uu doonayo inuu sii kala qo-qobo Soomaalida.

Imaaraadka oo eeganaya dhaq dhaqaaqa Turkiga ee Soomaliya ayaa saldhig meletari doonaya inuu ka dhiso magaalada Berbera maadaama Turkiga saldhig weyn uu ka hirgelinayo duleedka magaalada Muqdisho.

Imaaraadka ayaa doonaya in danaha uu ka leeyahay Soomaaliya uu siyaabo gaar gaar ah kala macaamiilo maamul goboleedyada halka Turkiga uu si guud ula macaamiilo dowlada Federaalka Soomaaliya.

xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip