Qeybtii labaad ee Ciidanka Amisom oo la geeyay Cadaado {DAAWO-SAWIRRO}

0
Monday October 24, 2016 - 22:00:40 in Wararka by
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybtii labaad ee Ciidanka Amisom oo la geeyay Cadaado {DAAWO-SAWIRRO}

    Ciidamo ka socda midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta mar kale gaaray magaalada Cadaado oo dhowaan la filayo inay ka billowdaan doorashooyinka aqalka hoose ee dowladda cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka socda midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta mar kale gaaray magaalada Cadaado oo dhowaan la filayo inay ka billowdaan doorashooyinka aqalka hoose ee dowladda cusub.

Madax ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Cadaado ciidamadani oo tiradooda ay gaarayso ku dhowaad 100 askari oo AMISOM ah.

Ciidamao kale oo AMISOM ayaa sidoo kale tegi doona magaalada Cadaado maalmaha soo socda waxaana la sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan xaqiijinta ammaanka inta Cadaado ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada aqalka hoose qeybtooda ka imaanaya magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cismaan Subagle oo ka hadlayay Cadaado ayaa sheegay in gaaritaanka Cadaado uu kamid yahay shaqadooda ay u joogaan Soomaaliya islamarkaana ay qeyb ka qaadanayaan sugidda ammaanka.

"Imaanshaha Cadaado ee AMISOM waxay ka mid tahay shaqadeenna waxaana ilaalinaynaa habka doorashada ay u dhacayso ammaanka ayaan shaqo ku leenahay oo doorashada ay nabadgalyo u dhacdo” ayuu yiri Taliyaha AMISOM.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo ciidamadani ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in AMISOM ay kaalin ku leedahay xaqiijinta ammaanka.

"Ciidamadani AMISOM waxay door ku leeyihiin sugidda amniga inta ay socdaan doorashooyinka aqalka hoose islamarkaana waxay wax ka qaban doonaan arrimaha nabadgalyada iyagoo naga la shaqeynaya horumarka” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug MR. Xaashi.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka socda AMISOM markii ugu horreysay cutubkooda wuxuu gaaray magaalada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Halkan ka Daawo Sawirrada Qeybta 2aad ee Ciidanka Ka Degay Cadaado Maanta:-

1 2 3 4 5 6 7 8 9





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip