R/W/ Ku-Xigeenka oo gudoomiyay shir looga hadlay ku saleeynta Miisaaniyadda qorshaha horumarinta Qaranka iyo tayeeynta habka shaqo qorida qaranka.

0
Monday October 24, 2016 - 20:08:59 in Wararka by
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/W/ Ku-Xigeenka oo gudoomiyay shir looga hadlay ku saleeynta Miisaaniyadda qorshaha horumarinta Qaranka iyo tayeeynta habka shaqo qorida qaranka.

    Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoomiyay shir ku saabsanaa sidii loo waafajin lahaa miisaaniyadda 2017 qorshaha horumarinta qaranka, waxanaa ka soo qeygalay Wasaaradda Maali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoomiyay shir ku saabsanaa sidii loo waafajin lahaa miisaaniyadda 2017 qorshaha horumarinta qaranka, waxanaa ka soo qeygalay Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, iyo Gudigga shaqaalaha rayidka.

Mudane Carteh ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka uu muhiim u yahay horumar waara oo la gaarsiiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed asagoona magacaabay guddi howled arintaa ka howlgeli doona.

"Qorsha Horumarinta Qaranka waa mid dalka horumar dhaqaale gaarsiinaya; sidaa awgeed waa muhiim in miisaaniyadda 2017 aan ku saleyno, Waxaana howshaa ka shaqeyn doona guddi ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka”.

Dhanka kale Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa guddi u saaray tayeeynta habka shaqo qorida dowladda sii loo hirgeliyo shaaqaaleeyn ku saleysan mabda’a mudnaanta islamarkaana miisaaniyadda Qaranka waafaqsan.

"Waa lagama maarmaan inaan habka shaqo qorida dowladda ku saleyno mabda’a mudnaanta iyo miisaaniyadda qaranka si shaqaalaha dowladda ay u noqdaan kuwo tayo leh islamarkaana xuqooqdooda ka hela dowladda, Waxaana howshaa ka shaqeyn doono guddi ka kooban Xafiiska RW, Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Qorsheeynta Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga shaqaalaha rayidka, iyo Bankiga dhexe’’.

Ugu dambeyn, RW Ku-Xigeenka ayaa ku baaqay in la abuuro fursado kobcin karta dakhliga si loo balaariyo miisaaniyadda dowladda kana jawaabto adeega bulshada ee ay dowladda bixineyso.

IMG 5919

IMG 5926

IMG 5936

IMG 5939

IMG 5957


-----DHAMAAD----

©2016 Deputy Prime Minister | Mogadishu-Villa Somalia










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip