Maamulka Baardheere oo ka laabtay go'aankii Magaaladaasi looga masaafurinaayay Xaasaska Shabaab

0
Monday October 24, 2016 - 11:47:51 in Wararka by
  • Visits: 424
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Baardheere oo ka laabtay go'aankii Magaaladaasi looga masaafurinaayay Xaasaska Shabaab

    Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa dib uga laabtay go'aan horay Maamulka u gaaray, taasi oo aheyd in Magaalada laga masaafuriyo Xaasaska Shabaabka ee ku nool Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa dib uga laabtay go'aan horay Maamulka u gaaray, taasi oo aheyd in Magaalada laga masaafuriyo Xaasaska Shabaabka ee ku nool Magaaladaasi. Arintan ayaa timid kadib markii Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baardheere ay ka qaylo dhaamiyeen arintaan, waxaana ay sheegeen inaysan habooneyn in Maamulka uu ku kaco arimaha noocaasi ah.

Dood dheer oo dhexmartay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere iyo Odayaasha Dhaqanka, ayaa waxaa markii dambe la isla gartay in faraha laga qaado xaasaska Shabaab ee ku nool Magaalada Baardheere.

Odayaasha Baardheere ayaa ku dooday in arintani ay tahay kala soocid lagu sameynaayo Haweenka ku nool Magaaladaasi, taasi oo muujinaysa dhibaato hor leh oo ka dhacda Magaalada Baardheere.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere, ayaa sheegay hadii falal lidi ku ah dhanka ammaanka laga geysto Degmada Baardheere, baaris kadibna raadadka ay galaan Haweenka Xaasaska u ah Shabaabka in tallaabo adag laga qaadi doono.

Maamulka Jubbaland ayaa horay Magaalada Kismaayo uga masaafuriyay tiro Haween ah oo ay sheegeen inay xaasas u yihiin Al Shabaab.

Baardheere xilliyada qaar waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay geysteen dhalinyaro ka tirsan Ururka Al Shabaab.


XIGASHI"-DHACDO.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip